KA FAA’IIDAYSO: Kiis barasho GANACSI anfacaya dadka shirkadaha maamula ee MBA haysta

0
Success Education concept: arrows hitting the center of target, Blue Case Study on wall background, 3d render

(Hadalsame) 24 Luulyo 2018 – Ku: Maareeyayaasha Shirkadaha iyo Qalinjabiyaasha Qaatay Shahaadada MBA

Kiis Barasho Ganacsi (Business Case Study)

Dr. Ismail Ali Siad
Faculty of Postgraduate Studies (MBA Program), University of Somalia (Brighter Future)
vc@uniso.edu.so
www.uniso.edu.so

Bal qiyaas xaaladda ganacsi ee haysata waax ganacsi (business sector) oo shirkadaha ka mid ka ah oo dhan uu dakhliga iibka badeecadu uu hoos u sii dhacayo, qiimaha shaygi lagu iibiyo uu hoos u socdo, badeecaddu ay ka buuxdo bakhaarada shirkadaha, shirkaduhu ay iibiyaan badeeco isku mid ah (homogenous products), faa’iidadu ay sii yaraanayso ama shirkadaha qaar ay khasaare ku jiraan, kobac dakhli ama faa’iido aan la rajaynayn mustaqbalka dhow, kharajka baxa badankiis uu yahay “fixed cost”, daynta ku taagan shirkadaha ay aad u badan tahay, qiimaha saamiyada shirkadaha oo dhan uu hoos u socdo, Saamilayda shirkaduhu (milkiilayaasha shirkadaha) ay isbadel u qaylinayaan oo ay ka caraysan yihiin in aan la qaybin faa’iido, Bangiyaduna ay dalbanayaan in aan la hakin bixinta daymaha iyo dulsaarka, socodka lacagta cadaanka ahna (cash flows) uu aad u yaryahay amaba naaqus yahay, shaqaalaha shirkadahana ay walaacsan yihiin muddana aan mushaarka loo kordhin.

Waxaad madax (Chief Executive Officer) u tahay shirkad weyn oo ka howlgasha waaxdan ganacsi ee wareersan. Waxaad shahaadada MBA ka soo qaadatay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ama mid kale, khibrad maamulna waad leedahay.

Maxaad samayn lahayd si aad u badbaadisid shirkadaada, jagadaada iyo sumcadaada, biilka qoysaska shaqaalaha, iyo hantida saamilayda?

Waa xaalad ganacsi oo dhab ah. Waxaa marxaladan oo kale ku sigan waaxda dukaamada tafaariiqda ee jooga Ingiriiska (UK Supermarket Chains) sida TESCO, Carrefour, Sainsbury, iyo Asda. Xaaladan ganacsi ee murugsan oo kale waxay hadda haysataa Shirkadaha Yurub iyo Aasiya (Europe and Asia) ee sameeya, iibiyana Birta (Steel) sida ArcellorMittal, Tata Steel, ThyssenKrupp, Pohang Iron and Steel Company (BOSCO), Baosteel Group Corporation (Baosteel), Nippon Steel Corporation, iyo kuwa kale oo badan. Fur “Hyperlinks” hoos ka muuqda si aad u ogaatid xaaladda cakiran ee shirkadaha Birta ee Yurub iyo Aasiya.

ARAG MAREEGAHAN….

https://www.mckinsey.com/…/the-current-capacity-shake-up-in…

http://www.google.com/url…

Tusaale ahaan, hoos ka fiiri warbixinta maaliyadeed ee shirkadda Tata Steel Europe ee 2016 – 2017:

Waxaa waliba u sii dheer shirkadaha birta in dowladda Ameerica ay ku soo rogtay canshuur dhan 25% birta loo dhoofiyo Ameerika, oo ah suuqa ugu weyn adduunka ee birta.
Waxaan u soo bandhigayaa dhammaan ganacsatada iyo maamulayaasha shirkadaha Soomaaliyeed, ardayda Soomaaliyeed ee qaadatay shahaadada MBA da iyo kuwa hadda wada, in ay daalacdaan kiiskan, akhriyaan warbixinta McKinsey & Company (a Global Management Consulting Firm) iyo tan kaliba kana soo jawaabaan su’aalahan:

1. Faahfaahin kooban ka bixi Deegaanka Ganacsi (Environmental Scanning) ee Waaxda Ganacsiga Birta ee Yurub iyo Aasiya?

2. Maxaa ugu muhiimsan waxa sababay xaaladda adag ee ganacsi ee haysata shirkadaha birta ee Yurub iyo Aasiya?

3. Ma sii socon kartaa mudada dheer xaaladda hadda haysata shirkadaha ka ganacsada birta? Maxaa laga filan karaa in ay sameeyaan shirkadaha Waaxda Ganacsi ee Birta?

4. Maxaa xeelad ganacsi ah (corporate strategy) oo aad adigu kula talin lahayd si ay u badbaadaan shirkadahan?

5. Sidee u aragtaa xaaladda maaliyadeed ee Tata Steel Europe ee 2016 – 17? Adeegso warbixinta maaliyaded ee hoos ka muuqata.

6. Maxaad ka baratay Kiiskan Barasho Ganacsi (Business Case Study)?

W; D: Ismaaciil Cali Siyaad

Hadalsame Media