Ciidamo cusub oo la wareegaya Amaanka guud ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2018. Dowlada Soomaaliya ayaa sii dar dar galinaysa qorshaha lagu adkaynayo amniga dalka, waxaana la sheegaya in dhowr Kontorool gacanta loo galiyay ciidamo Millitari ah.

Wadada Wadnaha ayaa shalay dhowr saacadood la hakiyay isku socodka gaadiidka, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay ciidmada guutada 14-ka Oktoober, oo lagu wareejinayay inta badan  amaanka Caasimadda iyo duleedyada Muqdisho.

Ciidamada ayaa durba lagu arkay kontroolada kuyaala wadada warshadaha, Siinka dheer,  xerada Maslax iyo meelo kale.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ciidamada 14 ka oktoober oo la aas-aasay kaddib qaraxii Zoope in ay fariisamo hor leh ka samaysan doonaan goobihii  laga wareejiyay ciidamada Xasillinta.

Hadalsame Media