KACAANKA ELLIOTT: Yaa ka mid ah ragga xilalka ka qaban kara maamulka Milan? (Rag culus oo ku jira)

0

(Milano) 23 Luulyo 2018 – Waxaa la qeexay qaab dhismeedka maamul ee AC Milan kaddib markii ay milkiyadda kooxdaasi la wareegtey Elliott Management Corporation iyadoo mid mid u magacaabaysa maamul cusub.

Sida ku qoran Il Sole 24 Ore waxaa dookha Agaasimaha Guud ee kooxda u taagan Ivan Gazidis, oo haatan madax ka ah qaybta fulinta Arsenal, horayna guddoomiye xigeen ugasoo noqday horyaalka Major League Soccer ee Maraykanka, waxaa kale oo xil qaban kara Umberto Gandini, oo noqon kara Agaasime Guud labaad, muddo dheerna lasoo shaqaynayay Milan waayadii Silvio Berlusconi.

Waxaa horraanba magacaaban waloow aan lagu dhawaaqin ninka Milan u qaabilsanaan doona Waaxda Farsamada iyadoo maanta ama berri la fasaxayo Massimiliano Mirabelli, waxaana howsha la wareegaya Leonardo, waxaase xiise badan in Il Sole 24 Ore uu xusay Paolo Maldini, oo isna kusoo noqonaya Rossoneri, kaasoo qabanaya xil aan weli la qeexin una badan Agaasimaha Isboortiga ama midka kooxda.

Kulankii Sabtiga ay yeesheen saamileeyda Milan, ayaa waxaa xilka looga xayuubiyay Agaasimihii Guud ee kooxda ee Marco Fassone, waxaana la magacaabay Paolo Scaroni, oo noqday madaxwaynaha kooxda, kaasoo uu horay u hayay Mr Yonghong Li.

Leonardo oo durba hoowshiisa ka wada daaha gadaashiisa ayaa waxaa u yaalla dhowr shaqo oo ay ka mid tahay keenista weerar kooxda anfaca iyo laacibiin kale, dirista kuwa aan loo baahnayn ama la doonayo in kaash laga helo iyo kasbashada taageerayaasha qaarkood sida Curva Suda oo uga xanaaqsan qabashada kooxda Inter Milan oo uu 7 bilood macallin u ahaa.

Hadalsame Media