DAAWO: Kaddib Qatar Airways, AS Roma oo soo xasilisay iidheh kale oo muhim ah + Sawirro

0

(Roma) 23 Luulyo 2018 – Kooxda AS Roma oo shalay Maraykanka u duushay, ayaa muujinaysa inay ku socoto jidkii soo kabashada dhanka suuq gaynta, iyadoo muddo gaaban gudohood kusoo xasilisay laba sponsor oo caalami ah.

Giallorossi oo u muuqata mid ay ku qanceen sharikaadka caalamiga ah ee qaaradaha iskaga tillaaba ayaa horay usoo jiidatey Qatar Airways, haatanna waxay soo xera gelisay sharikadda gawaarida farsameeysa ee Kuuriyaanka ah ee Hyundai Motor Company.

Waxay labada dhinac kala saxiixdeen qandaraas 3 sanadood ah oo taxnaan doona tan iyo 2021 kaasoo ku kacaya 12 milyan oo euro, waana meel cidla ah lacag ka hel, waayo waxaa lagu xayaysiinayaa dhabarka funaanadda Roma, maaddaama ay xabadka hore qaadatay Qatar Airways, iyadoo bixisay 39m muddo 4 sanadood ah.

Arrintan ayaa qayb ka ah soo kabashada kooxaha Talyaaniga oo sanadihii yaraa ee dambe hoos uga dhacay dhanka soo jiidashada hay’adaha waawayn ee caalamiga ah, balse iminka madaxa lasoo kacaya.

Hadalsame Media