DABAGALKA SAXAAFADEED: Sidee loo raadiyaa xogaha dahsoon?

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2018 – Dabagal Saxaafadeed (Investigative Journalism), waa hanaan ama hab ay wariyeyaashu si qoto dheer u dhax galeen ama u xulaan arin xiiso leh oo dadka nuxur u sameyneysa taas oo ku saleysan ama ku saabsan danbi sida dil, dhac, kufsi, musuq maasuq siyaasadeed, mid hantiyeed iyo wax isdabamarsiin kale.

Professor Steve Weinberg oo wax ka dhiga jaamacada Missouri ahna qabiir saxaafadeed ayaa waxa uu ku qeexay Investigative journalism in la wariyo arin dadka micno ugu fadhisa oo ahmiyad leh balse aan loo baahneyn wax walba.

Wariyaha arintan sameenaya waxaa laga yaabaa in ay ku qaadato bilo ama sanado waayo waxa uu u baahanyahay turxaan bixin iyo xog sax ah oo lala shirtagi karo taas oo aan gaf ku aheyn saxaafada sharcigeeda.

Moowduucan oo ah mid dheer oo aan mudo falan qeyn doona hada waxaan soo gudbinayaa sadax talaabo oo muhiim ah in la sameeyo ka hor inta aan hoowsha laguda galin kuwaas oo qubarada wax baara ay isku raaceen.

1. Analysis of documents; Waa in qofka wax baaraya uu marka hore darsaa dukumiintiyada uu isticmaalayo in ay yihiin kuwa sax ah oo xogtooda la isku haleen karo ,arintan waxaa la doonayaa in looga gaashaanto in dukumiinti been abuur ah laguu keeno kadibna aad la boodo adiga oo aan hubsan.

2. Databases of public records; Waa in aad heysaa ama aad ka duushaa xog ku saleysan rikoorka ama faahfin ka timid dhanka dadka.

3. Research into social and legal issues: Waa in aad marka hore u dhabo gasho ama aad baarto arimaha wax yaabaha aad dooneyso aanay ka horimaaneyn arimaha bulshada ama sharciga.

Mohamed dhoore

Hadalsame Media