Wax kasta oo aad uga baahan tahay Koobka ICC (Warbixin faahfaahsan)

0

(Los Angeles) 22 Luulyo 2018 – Tartanka Koobka Horyaallada Caalamiga ah ee 2018 International Champions Cup ayaa durba bilowday, isagoo sanadkan ka kala dhacaya 3 qaaradood oo kala ah: Ameerika, Yurub iyo Aasiya, kan Maraykanka bilowday 20-kii bisahan, kan Yurub ayaa socon doona 21 Luulyo ilaa 11 Agsooto, halka midka Singapore uu bilaabmayo 26 Luulyo ilaa 30-ka bishaas.

Koobka Horyaallada Caalamiga ah 2018: Maraykanka

Waa kuwee kooxaha dufcaddan ka qayb qaadanaya?

Maraykanku wuxuu sanadkan marti gelin doonaa qaybta ugu dhumucda iyo miisaanka wayn maaddaama ay iskugu tageen maqaawiirtii Yurub, waxaana ka dhacay 17 kulan oo lagu marti gelin doono 15 madlood oo kala duwan, iyadoo ay soo xaadiri doonaan 19 kooxood sida:

Arsenal, AC Milan, Chelsea, Juventus, Liverpool, Manchester City, Manchester United, Tottenham, PSG, Lyon, Bayern Munich, Borussia Dortmund, Inter Milan, Roma, Benfica, Atletico Madrid, Barcelona, Real Madrid, iyo Sevilla.

Isku aadka & SAACADDA dufcadda ICC 2018 ee Maraykanka

  • July 20, 2018: Manchester City vs Borussia Dortmund at 6:05 PM PT/9:05 PM ET
  • July 22, 2018: Liverpool vs Borussia Dortmund at 1:05 PM PT/4:05 PM ET
  • July 25, 2018: Juventus vs Bayern Munich at 4:05 PM PT/7:05 PM ET
  • July 25,2018: Manchester City vs Liverpool at 5:05 PM PT/8:05 PM ET
  • July 25, 2018: Borussia Dortmund vs Benfica at 5:05 PM PT/8:05 PM ET
  • July 25, 2018: Roma vs Tottenham at 7:05 PM PT/10:05 PM ET
  • July 25, 2018: AC Milan vs Manchester United at 8:05 PM PT/11:05 PM ET
  • July 28, 2018: Benfica vs Juventus at 10:05 AM PT/1:05 PM ET
  • July 28, 2018: Manchester United vs Liverpool at 2:05 PM PT/5:05 PM ET
  • July 28, 2018: Bayern Munich vs Manchester City at 4:05 PM PT/7:05 PM ET
  • July 28, 2018: Barcelona vs Tottenham at 8:05 PM PT/11:05 PM ET
  • July 31, 2018: Manchester United vs Real Madrid at 5:05 PM PT/8:05 PM ET
  • July 31, 2018: Tottenham vs AC Milan at 5:35 PM PT/8:35 PM ET
  • July 31, 2018: Barcelona vs Roma at 7:05 PM PT/10:05 PM ET
  • August 4, 2018: Real Madrid vs Juventus at 3:05 PM PT/6:05 PM ET
  • August 4, 2018: AC Milan vs Barcelona at 5:05 PM PT/8:05 PM ET
  • August 7, 2018: Real Madrid vs Roma at 5:05 PM PT/8:05 PM ET

Koobka Horyaallada Caalamiga ah 2018: Yurub

Waa kuwee kooxaha dufcaddan ka qayb qaadanaya?

Qaybta Yurub waloow aysan cudud ku dhamayn qaybta ka dhacaysa dhinaca kale ee Badda Atlaantigga, misna waxaa lafteeda ku jira kooxo waawayn sida Arsenal, Atletico, Bayern Munich, Benfica, Chelsea, Inter Milan, iyo PSG, kuwaasoo ku kala dheeli doona min London ilaa Madrid, Austria, France, Ireland, iyo Portugal.

Isku aadka & SAACADDA dufcadda ICC 2018 ee Yurub

  • July 21, 2018: Bayern Munich vs PSG at 4:05 PM amin maxalli ah (7:05 AM PT/10:05 AM ET kick-off in USA)
  • July 28, 2018: Chelsea vs Inter Milan at 8:05 PM amin maxalli ah (11:05 AM PT/2:05 PM ET kick-off in USA)
  • August 01, 2018: Arsenal vs Chelsea at 8:05 PM amin maxalli ah (12:05 PM PT/3:05 PM ET kick-off in USA)
  • August 01, 2018: Benfica vs Lyon at 9:05 PM amin maxalli ah (1:05 PM PT/4:05 PM ET kick-off in USA)
  • August 04, 2018: Inter Milan vs Lyon at 8:05 PM amin maxalli ah (11:05 PM PT/2:05 PM ET kick-off in USA)
  • August 07, 2018: Chelsea vs Lyon at 8:05 PM amin maxalli ah (12:05 PM PT/3:05 PM ET kick-off in USA)
  • August 11, 2018: Atletico Madrid vs Inter Milan at 8:05 PM amin maxalli ah (12:05 PM PT/3:05 PM ET kick-off in USA)

Koobka Horyaallada Caalamiga ah 2018: Singapore

Waa kuwee kooxaha dufcaddan ka qayb qaadanaya?

Waa kooxda ka dheesha English Premier League ee Arsenal, horyaalladda Faransiiska ee Ligue 1 ee PSG iyo dhiggeeda Jarmanka Bayern Munich, oo ay wehliso kooxda haysata Europa League ee Atletico Madrid.

Isku aadka & SAACADDA dufcadda ICC 2018 ee Yurub

Kulamada Singapore ayaa ka wada dhici doona gegada caalamiga ah ee National Stadium waxayna bilaabmayaan 7:35 PM oo ah aminta maxalliga ah, waxay kusoo aadaysaa xilli wanaagsan dhanka Yurub.

  • July 26, 2018: Atletico Madrid vs Arsenal
  • July 28, 2018: Arsenal vs PSG
  • July 30, 2018: PSG vs Atletico Madrid

Hilinadee baahinaya tartanka ICC 2018?

ESPN ayaa haysta xuquuqda khaaska ah isagoo meelo badan kasii dayn doona dufcadda Maraykanka, isagoo sidoo kalena sii dayn doona guud ahaanba tartanka, isagoo adeegsanaya xitaa ESPN app.

Dhanka UK, waxaa laga daawan karaa Premier Sports, balse dib ayay kasii dayn doonaan ciyaarta Man United iyo Liverpool, taasoo loo yeelayo in fursad la siiyo MUTV iyo LFCTV oo toos usii dayn doona.

Dhanka dalka Canada waxaad ka daawan kartaa DAZN oo haysata xuquuqda gaarka ah ee baahinta tartankan, halka caalamka laga heli karo hillinnada xiriirka la leh kuwa aan sheegnay.

Hadalsame Media