Maxaa kusoo fool leh dhaqaalaha & ganacsiga dunida 2019/2020?

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2018 – Waxaa suurtagal ah in ay xasarado ama dhibaatooyin dhaqaale iyo maaliyadeed ay ka dhacaan adduunka sanadka 2019 ama 2020 (Wal Cilmu Cinda Allah).

Waxaa jira xog iyo dhacdooyin muujinaya in la filan karo xasarado dhaqaale iyo maaliyadeed (Economic and Financial crisis).

Haddii aad dib u fiirisid taariikhda dhow ee xasaradihii dhaqaale iyo maaliyadeed ee soo maray adduunka, waxaa kuu muuqanaya Xasaraddii Shidaalka (Oil Crisis) ee 1975s iyo dhaqaala xumadii dabajoogtay; Xasaraddii Maaliyadeed (Financial Crisis) ee Latin America ee 1980s; Xasaraddii Maaliyadeed ee Asia ee 1990s; Xasaraddii Teknoolijiyadda (Y2K Crisis) ee 2000 iyo Xasaraddii Maaliyadeed ee Adduunka ee 2008-9.

Taariikhdan kooban waxay muujinaysaa in tobankii sanaba ay dhacdo xasarad keenta dhibaato dhaqaale ama mid maaliyadeed. Qiyaasti 10 sano ayaa hadda ka soo wareegtay xasaraddii maaliyadeed ee adduunka ka dhacday 2008. Ma la filan karaa Xasarad Dhaqaale iyo Maaliyadeed 2019 ka ama 2020 ka?

Ka sokow taariikhda dhow ee xasaradaha maaliyadeed, waxaa jira dhacdooyin casri ah oo muujinaya suurtagalnimada in ay dhacaan dhibaatooyin maaliyadeed iyo dhaqaale dhawaan. Waxaa ka mid ah dagaalka ganacsi ee ka dhashay siyaasadda “America First of President Trump” ee u dhaxeeya Ameerika iyo Shiinaha, EU, Canada, Mexico, India, Japan, iyo Wadamo kale.

Dagaalka ganacsi waxaa sababay canshuurta (10% ilaa 25%) dowladda Ameerika ay saartay badeecadaha ay dalalkaas u dhoofiyaan Ameerika. Waraysi uu siiyay TV ga CNBC, Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in uu canshuur dulsaaro dhammaan badeecadaha kala duwan ee dalka Shiinuhu u dhoofiyo Ameerika (oo qiimahoodu guud yahy $500 billion sanadki).

Dagaal ganacsi oo dhexmara Ameerika iyo Shiinaha, oo ah labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, wuxuu si weyn u saamayn doonaa dhaqaalaha adduunka.

Waxaa kale oo dhacdooyinka ka mid ah arrinta “Brexit” iyo xunguruf dhexmari karta hogaamiyayaasha xisbiga talada haya ee dowladda UK, Bangiga Dhexe ee Ameerika oo laga yaabo in uu kor u qaado heerka dulsaarka daymaha (Interest Rate), iyo dowlado badan oo qaba dayn badan (high public debt).

Waxaad moodaa in shirkadaha iyo dadka maalgashta suuqyada maaliyadda ay ka warqabaan dhacdooyinka soo socda 2019 ka ama 2020 ka. Sarifka Doolarka Ameerika ayaa kacay (Safe Haven Currency) halka lacagta wadama kale ay aad u dhaceen sida lacagta Shiinaha, Turkey, iyo wadamo kale. Suuqayada Saamiyada (Stock Markets) ayaa iyaguna hoos u dhacay (fiiri sawirada hoos ka muuqda). Suuqa Saamiyada wuxuu saadaaliyaa waxa la filan karo mustaqbalka (stock market valuation is based on expectations – corporate profits and growth, future cash flows and uncertainty).

Sawirku wuxuu muujinayaa in uu bilowday hoos u dhaca suuqa saamiyada (fiiri falaarta).
Wadamo badan ayaa waxaa ku taagan dayn badan. Jug sii cinwaankan hoos ka muuqda si aad u gaatid daynta ku taagan wadamada kooxda G20:

Halkan ka eeg liiska qaamaha iyo wax soo saarka dalalka hormaray…

Daynu waa bixin. Si loo baxshana, waa in dowladdu kordhisaa dakhligeeda oo ay kordhiso canshuurta ama yareeyso kharajkeeda waana wax aan u fiicnayn kobaca dhaqaalaha iyo rabitaanka dadku in ay shaqeeyaan.

Sidee ayaan isugu diyaarin karaa xasaradda dhaqaale iyo maaliyadeed ee 2019 ka ama 2020 ka?

“Waa su’aal da’ weynoo madaxa daalinaysa”. Jawaabtu waa dhexda dhuuqso. Ka warwareegso kharajka aan muhiimka ahayn oo dhan si aad u badisid dhigaalkaada, ha bilaabin mashruuc weyn oo u baahan maalgalin badan gaar ahaan haddii aad ku talajirtid in aad dayn ku maalgalisid, dib u dhig haddii aad damacsan tahay in aad furtid warshad wax soo saarta, dib u habayn ku sameey miisaanka ama saamiyada hantidaada (rebalance portfolio of your assets).

Yareey saamiga lacagta kuugu jirta hantida maaliyadeed (reduce the proportion of financial assets) oo kordhi hantidaada dhabta ah (allocate more funds to real assets) sida dhulka iyo dahabka.

Badanaa qiimaha dhulka, guryaha iyo dahabku waa kordhaa marka ay dhacaan xasarado maaliyadeed. Waxaa la rajaynaa in ay doorasho ka dhacdo dalkeena 2020 ka ama 2021 ka. Marka lacag waa la helaa In Shaa Allah. Waxaan Allah ka rajaynaa in saadaashaydu ay noqoto mid aan rumoobin.

Wa Allahu Yaclam; Allah Ayaa Mahad Leh.

W; D: Dr. Ismaaciil Cali Siyaad
Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya (Brighter Future)
vc@uniso.edu.so
www.uniso.edu.so

Hadalsame Media