SIR HOOSE: Dalalka Khaliijka oo qaadi raba tillaabo laga KHAJILO!

0

(Khaliijka) 22 Luulyo 2018 – Sida lagu daabacay Website-ka Tactical Report ee ka faallooda arrimaha Sirdoonnada, wadanka yar ee Qatar waxaa laga qaadi doonaa Go’doomintii lagu hayay intii mudda ah, ayyadoo Amiirka Qatar uu arintaa dhaafsaday in uu taageero hishiiska(صفقة القرن) dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Sida warku leeyahay, waxaa dhawaan lagu wadaa in ay wada kulmaan amiirka Qatar, dhaxalsugaha Sucuudiga, dhaxalsugaha Imaaraatka iyo Trump ayadoo lagaba yaabo in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qaado Go’doominta Qatar.

Hishiiskii qarniga  صفقة القرن waa hishiis shan geesood ah oo udhexeeya dalalka Imaaraatka, Sucuudigu, Masar, Israel iyo maraykanka waxaana sida lasheegay lagu hishiiyay in Qudus ay noqoto Caasimadda Yuhuudda, sidoo kalena reer Falastiin ay yeeshaan dawlad yar oo aan lahayn ciidan. Waxaana amiirka Qatar loo ballan qaaday in laga qaado cunaqabataynta saaran dalkiisa hadii uu taageero hishiiskaas.

Arintaan waxay kusoo aadaysa waqti ay dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu Ku kala fogaadeen mawqifkii ay dawladda dhexe ka qaadatay khilaafka khaliijka. Hadii ay hishiiyaan dalalka khaliijku waxay waji gabax Ku noqon doontaa madaxdii iyo siyaasiyiintii Soomaalida ee lasaftay isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraatka maadaama ay ukala hiiliyeen dad wada dhashay oo mar kastaba dib uhishiin karay , waxaysa guul utahay dawladda dhexe oo ayyadu mawqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafkaas.

W; D: Sacad Cabduqadir Awmagan

Hadalsame Media