”Trump waa tijaabo nool” – Donald Trump iyo culuunta siyaasadda oo isla jaanqaadi la’ (Qaybtii 2-aad)

0

(Washington DC) 22 Luulyo 2018 – Madaxwayne Donald Trump wuxuu haatan xilka ku joogaa Jamhuuri ahaan, isagoo warac geddiyay wax kasta oo uu u taagnaa xisbigaasi Republican-ku, sababtuna waa isaga oo aan gebi ahaanba lahayn aragti siyaasadeed oo joogto ah. Kusoo dhowoow qaybtii 2-aad

Awood intee le’eg ayay madaxwaynayaashu u leeyihiin inay weeciyaan ra’yul caamka? Miyay raacayaan taageerayaasha lagu sheego muxaafidka idman, xitaa haddii uu si waalli ah moowqifkiisa u beddelo?

Waxaa sidoo kale jirta su’aal muhim ah oo miiska saaran, taasoo uu ku dul meero mustaqbalka madaxwaynimada Trump: Haddii uu Xisbiga Jamhuurigu ka xarig furto oo uu la jaanqaadi waayo aragtidiisa iyo dabeecaddiisa sirgaxan, taageerayaashuna ma sidoo kale ayay yeeli doonaan?

Nuxur ahaan, Trump wuxuu dadka dersa culuunta siyaasadda siinayaa fursad ay ku tijaabiyaan oo “ay ku eegaan ninkan” iyagoo maanka ku haya xeerarka cilmiga siyaasadda  — si ay ugu dhabba galaan bal in Trump uu taageerayaashiisa la tago meel aan horay loo aadin.

Daraasaddani waxay saadinaysaa in Jamhuurigu ay iska daba socon doonaan Trump, xitaa haddii aysan si buuxda iskugu wada raacsanayn, sida ka muuqata sahan ay samaysay Monkey oo lasii daayay 19-kii bishan Luulyo, 79% ka mid ah Jamhuurigu waxay taageereen Trump kaddib shirkii jaraa’id ee uu la qaatay Putin oo ay saxaafadda Maraykanku ku tilmaantay wax ”laga yax yaxo”.

Tiiyoo ay sidoo kale shacabku ka xumaadeen hab-dhaqankiisa, isla markaana ay aad u dhaliilaan dad ka mid ah GEED FADHIGA xisbiga sida musharrixii hore ee madaxtinnimada Maraykanka Sen. John McCain, misna cod-bixiyayaashu way daba socon doonaan Trump.

Balse culimada culuunta siyaasadda (political scientists) ayaa doonaya inay u kuur galaan ilaa inta ay taasi sii socon doonto/karto.

La soco qaybta 3-aad.

Hadalsame Media