XOG: Neymar oo u xirxiran kooxda REAL MADRID

0

(Paris) 19 Luulyo 2018 – Kooxda Paris Saint Germain ayaa la sheegay inaysan lama taabtaan u arkin Neymar, waxaana haatan isa soo taraya war uu xalay weriyay Radio El Transistor iyo Radio Onda Cero oo soo xiganaya xiriirka Qatar.

Laacibka qura ee aanu madaxwayne Nasser El-Khelafi u arkin mid la iibin karo waa yarka Kylian Mbappé, sidaa darteed waxay taasi albaabka u ballaqaysaa laacibka reer Brazil oo u xirxiran Real Madrid, taasoo ah riyo uusan u diidanayn madaxwayne Florentino Perez.

Maadaama ay kooxdaasi wayday jookarka Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus, waxay doonaysaa laacib kale oo baaq caalami ah u diri kara daawatada kubadda cagta, waxaana booskaa u sharraxan Neymar Jr, waloow uu macallinka PSG ee Thomas Tuchel, uu durba isha ku hayo biddaalkiisa oo uu u arko Paulo Dybala.

Hadalsame Media