DAAWO: Wadaad dharbaaxo kala daaley haweenay ay TV ku doodayeen!

0

(Delhi) 19 Luulyo 2018 – Dalka Hindiya waxaa xabsiga la dhigay wadaad Muslim ah kaddib markii ay isu gacan qaadeen haweenay gayfane ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda madaniga ah, mar ay TV uga doodayeen sida ay Shareecada Islaamku u maareeyso furriinka iyo xuquuqaha haweenka.

Wadaadkan Hindiga ah oo lagu magacaabo Mufti Ejaz Arshad Qasmi, ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu ashtako ka gudbiyay Zee Hindustan, iyadoo ay kaamiradu qabatay isagoo dhirbaaxaya Farah Faiz, oo ah sharci yaqaanad u doodda haweenka, jeer uu barnaamijku TOOS ahaa.

Sheekada ayaa faraha ka baxday kaddib markii la isku mari waayay kiis la xiriira dalaaqada 3-da ah oo 3 jeer lagu dhawaaqayo sida warka loo dhigay, iyadoo ay Faiz ku doodaysay inaysan Qur’aanka ku jirin, kaddibna waxaa xigtey inay is fara saaraan.


Sida ka muuqata muuqaalka Zee Hindustan, Faiz iyada ayaa gacanta la horreeysey, kaddibna waxaa jawaabey wadaadka oo dharbaaxay, iyadoo uu dood qaybiyihii ku guuldarraystay inuu xaaladda xasiliyo.

Zee Hindustan ayaa Twitter kusoo bandhigay muuqaal kale oo muujinaya Qaasmi oo sida ay sheegeen caayaya gayfane kale oo la yiraahdo Amber Zaidi, taasoo la arkayo iyadoo ooyin la dhacaysa.

Khalid Rasheed Firangi Mahali, oo ah imaamka masjidka magaalada woqooyiga ku taalla ee Lucknow, ayaa dowladda ugu baaqay in gebi ahaanba la joojiyo doodaha noocan ah oo diinta la xiriirta, maaddaama ay dhaawacayaan buu yiri dareenka Muslimiinta.

Hadalsame Media