DHEGEYSO: Midowga Yurub oo ka doodaya in albaabada laga xirto qaxootiga Afrika

0

(Innsbruck) 12 Luulyo 2018 – Kulan madaxeedka Midowga Yurub uga soconaya magaalada Innsbruck, ee dalka Austria ayaa waxaa aad loogu lafa guray in siyaasad cusub oo lagu wajoho soo galootiga Yurub soo gelaya, gaar ahaan kuwa ka imanaya qaaradda Afrika.

“Markii ay wasiirradu saaka isu yimaaddeen farriintu waxay ahayd in la xiro xuduudaha Yurub si aan laba laba lahayn,” ayay tiri  Susanne Palme oo ka socota laanta wararka Ekot, oo ka mid ah weriyayaasha jooga shirka Innsbruck.

Arrinta ayaa cirka isku shareertay markii uu wasiirka arrimaha dibedda Talyaanigu sheegay inay xitaa dekedohooda ka xiran doonaa maraakiibta iyo doomaha Yurubta kale leeyihiin ee doonaya inay soo badbaadiyaan dadka habqanka ah ee ku hafanaya badda dhexe, waxayna Talyaanigu soo jeediyeen in qaxootiga xerooyin looga oodo goobo ku yaalla woqooyiga Afrika, balse wasiiradda socdaalka Sweden Heléne Fritzon ayaan si buuxda u liqin fikraddaasi.

“Kama hadli karno oo qura sidii aannu u maarayn lahayn qaxootiga ku sugan dibedda Midowga Yurub, balse waa inaan sidoo kale eegnaa oo fahamnaa inay jiraan magangelyo doon ku sugan gudaha Midowga Yurub, ayay tiri Heléne Fritzon.

Siyaasaddan cusub ee ah in gebi ahaanba la xiro xuduudaha EU balse xerooyin laga dhiso woqooyiga Afrika oo halkaa lagula xaalo qaxootiga, oo ay dabada ka riixayaan dowladaha Midowga Yurub qaarkood, ayaa waxaa aad u diiddan Sweden, iyadoo ay Heléne Fritzon aad uga walaacsan tahay in la dhoowri waayo xuquuqda magangelyo doonka sida ay sheegayso Susanne Palme oo soo xiganaysa Fritzon.

‘’Sweden wax kasta kama soo horjeeddo, oo Sweden wadashaqayn waa la leedahay dalal ka baxan EU, balse Sweden waxay doonaysaa inay difaacdo xuquuqda magangelyo doonka, waxayna Fritzon maantoo dhan ku doodaysay, waloow uu warkeedu ku dhacayay dhego layr u daloola, in ay Midowga Yurub mas’uuliyad wadareed ka qaataan sida loo qaabilayo dadka Yurub soo miciin bidaya, balse arrintaasi maanta ajendaha ka mid ma ahayn, ayay tiri Palme.

Maaddaama ay Sweden tahay dalka qura ee haatan si toos ah su’aasha u gelinaya qorshahan xuduud xirista ma dhici kartaa in la go’doomiyo?  “Haa, macquul, sidaas baan dhihi lahaa,” ayay tiri Heléne Fritzon.

 

Hadalsame Media