Dalal Muslim ah oo ugu badan kuwa bililiqaysta kalluunka Somalia (Arag sida laguu dhacayo!)

0

(Muqdisho) 12 Luulyo 2018 – Dalka Somalia ayaa leh xeebta ugu dheer Afrika, balse dhererkaas marka laga soo tago wax micne leh oo maanta la taaban karo dalka iyo dadka kama soo galaan, marka la eego dakhliga laga soo saari karo.

Haddaba, waxaa lasoo saaray liis ay ka muuqdaan sida ay qoondada kalluunka Somalia u kala helaan dalalka bililiqada ka wada xeebaha Soomaaliya, dalalka aannu iminka diiradda saarayno waa kuwo saaxiib iskaga dhiga Soomaaliya, waloow ay sidoo kale liiska ka maqan yihiin dalal aad u badan oo xada kalluunka Somalia sida Hindiya, Shiinaha, Kuuriya, Philipines iyo dalal reer Galbeed ah.

Dhibaatada ugu wayni waa jiritaan la’aanta nidaam dhexe oo dalka ka taliya, iyadoo ay dalalka Somalia ka kalluumaysta ay qaarkood san-dareerto yar afka u mariyaan qaar ka mid ah madaxda gobollada oo iyagoo aan danta guud ka fikirin kis yar ka qaata kalluumaysigaa sharci darrada ah.

Waxaa la yaab leh in Somalia oo ah dalka iska leh khayraadka la boobayo ay qoondada uga jirto qaybta ugu yar, waxaana marar badan dhacda in biyo kulul lagu shubo kalluumaysatada Soomaalida ah si looga eryado badda.

Dowladihii kala dambeeyay ee yimi xilliyadii burburka oo ay ku jirto midda iminka dusha uga qoran maamulka Somalia ayaan ilaa iminka dhaqan gelinin siyaasad arrintan wax looga qabanayo.

HALKAN HOOSE KA EEG:

Hadalsame Media