Inter Milan oo sii wadaysa RIKOODH ay Koobka Adduunka ka dhigaysay tan iyo 1982-kii

0

(Milano) 12 Luulyo 2018 – Guushii Croatia ee xalay ayaa ka dhigan in Inter Milan ay ugu yaraan hal laacib ku lahaanayso final-ka Koobka Adduunka tan iyo 1982-kii.

Laacibka Nerazzurri ee Ivan Perisic ayaa xalay barbarraha ka dhaliyay Three Lions, kahor intaanu Mario Mandzukic oo u safta Juventus goolka guusha ka dhalinin waqtigii lagu daray ciyaarta oo dhamaad ah, taas ayaana Beneamata usii joogtaynaysa rikoodh ay soo waddey tan iyo 1982-kii.

Gabriele Oriali Giuseppe Bergomi ayaa ka mid ahaa xulkii Talyaaniga ee Azzurri ee koobka hantiyay 1982-kii, halka Karl-Heinz Rummenigge uu u safnaa West Germany oo koobka laga qaaday 1986-kii.

4 sano kaddib, Andreas Brehme, Jurgen Klinsmann iyo Lothar Matthaus ayaa Jarmanka ka caawiyay inay koobkii qaataan Italia 90, halka Nicola Berti uu ahaa laacibka qura ee uga mid ahaa Talyaanigii koobka laga qaaday 1994-kii.

1998-kii, Youri Djorkaeff ayaa koobka ka qaaday saaxiibkii Nerazzurri ee Ronaldo oo Brazil ah, kaasoo laakiin 2 gool ka dhaliyay final-kii 2002-dii ii ay Brazil qaadday.

2006, Marco Materazzi ayaa door muhim ah ku lahaa guushii KA2006 oo ay Talyaanigu qaadeen, halka Fabio Grosso uu Inter u gadnaa, balse uusan abid u dheelin, isagoo dhaliyay goolkii muhimka ahaa ee rigoorayaasha.

2010 Wesley Sneijder oo seddexleey la qaaday Beneamata ayaa waxaa xulkiisa Netherlands koobkii ka qaaday Spain, halka Rodrigo Palacio uu u safnaa Argentina oo koobka laga qaaday 2014.

Ivan Perisic iyo Marcelo Brozovic ayay iminka aad ugu badan tahay inay Axadda safka hore kasoo muuqdaan final-ka Koobka Adduunka 2018.

Bayern Munich ayaa barbarrayn lahayd rikoodhka Inter, balse Corentin Tolisso ayaa laga yaabaa inuusan dheelin kulanka adag ee Moscow.

Hadalsame Media