XOG: Ronaldo oo 48 saac ee soo socota ku biiraya Juventus (Berri maxaa qorshaysan?)

0

(Torino) 10 Luulyo 2018 – Sky Italia ayaa faafinaya in berritoole ay muhim u tahay qorshaha uu Cristiano Ronaldo ugu wareegayo Juventus, iyadoo uu wakiilkiisa Jorge Mendes la kulmayo Real Madrid.

Wararka ka imanaya dhanka Spain ayaa tibaaxaya in wakiilka reer Portuguese uu horraanba dalab rasmi ah oo ku kacaya €100m u gudbiyay Los Merengues, iyadoo uu CR7 ogolaaday qandaraaska Juve.

Haatan, xeel dheeraha suuqa kala iibsiga, Gianluca Di Marzio, ayaa werinaya in berri ay muhim u tahay musalsalkan, isagoo sheegay in uu Mendes la fariisan doono Madrid.

Haddii uu Mendes madax gundhin ka helo Real, deeto waxay Juve soo afjari doontaa heshiiska, iyadoo weriyaha Talyaaniga ah ee Gabriele Marcotti, oo markii hore sheekadan oo idil iibsan waysnaa uu iminka sheegayo inuu heshiis dhici karo 48 saac ee soo aaddan.

Sky Sports UK ayaa isna werinaya in uu heshiis dhow yahay, isagoo sheegay inuu isbeddel wayn dhici doono, 48 saacna ku raacay ninka hore.

Hadalsame Media