Saxaafadda Yuhuudda oo daba dhigatay musharaxadda Ilhaan Cumar (Maxay ku haystaan?)

0

(Minnesota) 10 Luulyo 2018 – Musharraxadda Soomaali-Maraykanka ah ee Koongarayska Ilhaan Cumar ayaa diiddey in Yuhuud nacayb loo fasiran karo tweet ay samaysay 2012 oo ay Israel ku eedaysay inay yihiin xumaan falayaal, sida uu iminka qorayo warsidaha Yuhuudiga ah ee Haaretz oo xog hore soo qufaya.

Ilhaan Cumar, oo haatan ka mid ah wakiillada gobolka Minnesota, ayaa ka jawaabtay dhaliil uga timid tweet ay dowladda Yuhuudda ku tilmaamayso “talis midab kala sooc ah.”

Cumar, oo ka mid ah haweenka Muslimka ah ee haatan u taagan Koongarayska Maraykanka, ayaa bishii Nofeembar ee 2012 soo qortay sidatan: “Israel dunidii waa sixirtay, Ilaahay ha toosiyo oo haku caawiyo inay arkaan xumaanta ay samaynayso Israel. #Gaza  #Palestine #Israel”

Tweet-kan ayaa yimi laba maalmood uun kaddib jeer ay Yuhuudda howlgal cunfi ah ka waddey Marinka Gaza, iyadoo ku doodaysay in ilaa 100 madfac iyo gantaalo yar yar looga soo ridayey dhanka Falastiin muddo 24 saacadood ah.

Hadalsame Media