Askar katirsan dowladda soomaaliya oo lagu dilay magalada muqdisho

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2018 – sida ay sheegeen saraakiil katirsan laamaha amniga ee booliska waxaa rag ku hubeysan Bistoolado ay  degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Suuq Bacaad ay ku dileen Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dilka ka dib ay goobta isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey, waxaana ciidanka amaanka ay sheegeen in baaritaano ay socdaan kuwaas oo lagu baadi goobayo dadkii dilkaasi geystay.

Askarta la dilay ayaa ka kala tirsan sida la xaqiijiyey xasilinta iyo ciidanka dowladda hoose, waxaana weli xiran inbadan oo kamida wadooyinka muqdisho oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamada xasilinta dowladda soomaaliya.