LA YAAB: Woqooyiga Kuuriya oo isku dayday inay BAAD ka qaaddo dowladda Israel (Maxaa dhacay?)

0

(Pyongyang) 10 Luulyo 2018 – War haatan uun shaaca laga qaaday ayaa sheegaya in North Korea ay sanaddii 1999-kii xiriir toos ah la samaysay Yuhuudda, iyadoo u bandhigtay dalab ku aaddan inaysan tiknolojiyadda gantaalaha halista gelin kara dowladda Yuhuudda ka iibinaynin dalka Iiraan iyo dalalka kale ee cadowga ku ah, balse waa haddii hadii ay dowladda Pyongyang farta ka saarayaan$1 billyan oo kaash ah.

Sida ku dhigan warsidaha Wall Street Journal cadadkiisii Axadda, Israel dalabkaasi ma aqbalin, balse taa biddaalkeeda waxay Yuhuuddu doonaysay inay raashin bixiso, waxaana lagu kala tegey heshiis la’aan.

Bandhiggan baadda ah ee fashilmay ayaa yimi mar ay kulmeen ergayga North Korea u fadhiya Sweden iyo dhiggiisa Israeli oo isku arkay meel laga qaxweeyo oo ku taalla Stockholm.

Hadalsame Media