DHEGEYSO: ”Waxaan ka xunnahay inuu Ingiriisku naga baxsaday”

0

(Stockholm) 09 Luulyo 2018 – Macallinka xulka qaranka Sweden ee Janne Andersson ayaa dareen isku dhafan ka muujiyay natiijada ay Sweden kala timid Koobka Adduunka 2018 oo ay wareegga rubuc-dhamaadka ugasoo hareen, isagoo sheegay inay woxoogaa xanuun leedahay maaddaama ay qabaan in ay Ingiriiska garaaci kareen.

Tababare Janne Andersson ayaa kusoo laabtay magaaladan Stockholm 48 saacadood kaddib dhamaadka tacaburkii Sweden ee Ruushka, wuxuuna sheegay inay haatan adag tahay inay falanqayn ballaaran ka sameeyaan wixii dhacay dareenkooda oo aan weli fadhiyin dartii.

”Waa wax wanaagsan inaan soo guryo noqonnay, oo waa wax fiican inaan la kulannay dad faraxan,” ayuu Andersson ka sheegay shir jaraa’id.

Dayrta soo socota wuxuu macallinku durba bilaabayaa diyaarinta xulka Sweden waxaana jira xiddigo sheegay inaanu kala caddeeyn mustaqbalkooda qaranka, waxaana ka mid ah kabtan Anders Granqvist, oo ku nool magaalada Helsingborg kana dheela horyaalka superettan ee dalkan.

In laacibiinta la siiyo damaanad ku aaddan inay ka qayb qaadan doonaan koobabka caalami ee soo aaddan sida UEFA Nations League ama Euro 2020 ayuu ku sheegay mid aan haatan daruuri ahayn.

Balse macallin Andersson ayaa sheegay inuu todobaadyada soo aaddan si gaar gaar ah ula fariisan doono laacibiinta, halkaasoo sidoo kale lagu qiimayn doono waxa uu noqonayo mustaqbalka laacibiintan.

”Si gaar ah ayaan ula xiriiri doonaa si aan uga helo jawaab ku saabsan Tan kaddib waxaannu arrintaa uga baaraandegi doonaa kulanka soo socda. Aniga ahaan waa ii war ku tiri kuteen ah,” ayuu yiri.

Sweden waxay mar u ekeyd mid aanba usoo bixi doonin Koobka Adduunka markii ay kulankii kala baxa ahaa ku aadeen xulka Talyaaniga, balse marka laga soo tago inay Talyaaniga ka reebeen Koobk Adduunka, waxay sidoo kale kasoo bexeen guruub uu Jarmanku ka haray, haddaba maxay soo barteen?

”Had iyo goor waa hal hannaan, inaad ciyaartooyda u diyaariso kulanka xiga, qiimaynta ciyaarta iyo wixii la mid ah, marka waa jiraan waxyaabo yar yar oo aan soo barannay,” ayuu kusoo afjaray Anderrson.

Hadalsame Media