Ruushka oo casriyaynaya dayuuradaha TASHWIISHKA ugu qaybsan!

0

(Moscow) 09 Luulyo 2018 – Millateriga Ruushanka ayaa dib u habayn ku samaynaya qalabka uu u adeegsado tashwiishka isgaarsiinta cadowga sida agab danabeedka dagaalka ee Il-22PP iyagoo bedelaya midkii ay muddada dheer adeegsanayeen.

“Porubshchik” (oo hadal suuqeed loo adeegsado “geed jaraha” afka Ruushka) waa naanaysta dayuurado ay haatan ciidamada xoogga Ruushku u adeegsadaan si ay ku qasaan isgaarsiinta iyo raadeerrada cadowga. Hannaankan oo sidoo kale loo yaqaanno “Izdelie L-415” iyo Il-22PP, ayaa tijaabadiisa la howgeliyay 2016-dii.

Waxay bedelayaan Il-18 oo la farsameeyay sanaddihii 1950-meeyadii, balse waa mid weli wax ku ool ah oo adkaysi badan, waxaana aad loogu adeegsadaa xuuraansiga dhanka cirka iyo tashwiishka isgaarsiinta cadowga, balse way adag tahay in lasoo wado hannaankan oo dhowr mar wax laga bedeley.

“Dayuuradaha waxaa lagu rakibi doonaa qalab cusub, waxaan xitaa ka fikiraynaa Tu-214 iyo Il-76,” ayaa laga soo xigtey ilo ku dhow gaashaandhigga Ruushka.

Hadalsame Media