DHEGEYSO: Sidee ayay iskuullada Sweden u maareeyeen ardayda qaxootigii ugu badnaa?

0

(Olofström) 09 Luulyo 2018 – Tiradii rikoodh jebiska ahayd ee qaxootigii la qaabiley 2015 waxay dabcan culays badan dul saartay iskuullada Sweden, balse 20 degmo oo horraantii 2016 qaabiley inta ugu badan ardaydaa cusub waxay u maareeyeen sidii ugu wanaagsanayd. Iyagoo garabsanaya hay’adda waxbarashada ugu qaybsan Sweden ee Skolverket.

Ekot ayaa booqatay magaalada yar ee Olofström, halkaasoo qiyaastii 10-kii ardayba 4 ka mid ihi ay yihiin kuwo cusub. Xuseen wuxuu haatan dhameeyay fasalka 9-aad ee dugsiga Högavångsskolan oo ku yaalla Olofström wuxuuna ku faraxsan yahay bandhiggiisa waxbarasho maaddaama uu dhibco badan ku baasay.

”Markii uu macallinku arkay inuu runtii u baahan yahay kaalmo, oo uu u baahan yahay inuu soo baxsado shahaadadiisa runtii way caawiyeen waxaana aaminsan ahay inay macallimiintu aad wax u tareen,” ayuu yiri Xuseen.

Dayrtii 2015 waxaa taagnayd dood ku aaddan inay xasaradi dhici doonto oo uu xitaa isku dhex yaaci doono hannaanka waxbarasho ee dalkan kaddib markii ay Sweden soo galeen tiro aad u badan oo qaxooti ah, yeelkeede, macallimadda Lenethe Emanuel oo wax ka dhigta dugsiga Högavångsskolan balaayadaa la saadinayay ma arag.

”Waxa qura ee dhibka lahaa waa helitaanka shaqaale dheeraad ah iyo xarumo cusub oo gacan qabta dadkan, marmar bay arrintu ahayd mid lagu dhidido, balse anigu ma arag wax xasarad lagu sheegi karo oo nasoo maray,” ayay tiri Lenethe Emanuel.

Xitaa Skolverket ayaa aragtidaa ku raacsan Emanuel. Tan iyo gugii 2016 wuxuu Skolverket la shaqeeyay in ka badan 70 degmo, 20-kii degmo ee ardayda ugu badan qaabileyna si wanaagsan bay uga soo dhalaaleen howsha teedii ugu culayska badnayd, sida ay qabto Anna Österlund oo ah madax-qaybeed ka tirsan Skolverket.

”Dadku waxay u xayteen inay shaqada qabtaan, sawirka aan helayna maaha mid sheegaya inuu is dardar dhacday, dhabtii way ahayd howl adag, balse waxay ahayd mid keenaysay inay dadku dadaalaan oo howsha daacad u qabtaan ilaa intiii ay awoodaan ee suuragal ah,” ayay raacisay.

Balse weli waxaa jira turaanturooyin ama caqabado jidka yaalla sida ay la tahay Anna Österlund.

”Haatan dabcan qaar badan oo ka mid ah kuwii yaraa 2015 waxaa laga yaabaa inay diyaar u yihiin inay ka baxaan dugsiga hoose dhexe oo ay dugsiga sare u gudbaan, sidee u baasi doonaan, haddii ay baasi waayaan se maxaa la samaynayaa si aysan ugu dhegin barnaamijka hordhaca ah (introduktionsprogrammen) oo ay horay ugu socdaan,” ayay tiri Österlund.

Ha yeeshee wuxuu walaac sidoo kale ka jiraa sida ay degmooyinkani horay ugu soconayaan, waayo waxay dhibaato ka iman kartaa helitaanka shaqaale cusub iyo dhaqaale intaba.

Labada sano ee qofka ugu horreeysa Sweden waxaa qofka loo qoondeeyaa lacagta dejinta (etableringsersättning), balse dhaqso ayay u dhamaanaysaa, deetana waxay culays dhaqaale ku keenaysaa degmooyinka, sida uu qabo ururka degmooyinka iyo gobollada Sweden ee SKL.

Sara Rudolfsson oo ka mid ah xisbiga socialdemokraterna sidoo kalena ka tirsan golaha degaanka Olofström waxay arrinta ka eegaysaa dhinaca cagaaran.

”Waloow dabcan ay caqabado jiraan, waxaan dareensan ahay inay xaaladduu deggan tahay oo aannu maarayn karno,” ayay tiri Sara Rudolfsson.

 

Hadalsame Media