RASMI: Messi-ga Croatia & Milan oo tababarka ku bilaabay maaliyadda cusub ee PUMA + Muuqaal & Sawirro

0

(Milano) 07 Luulyo 2018 – AC Milan ayaa si rasmi ah ula wareegtey adeegga laacibka soo baxaya ee Alen Halilovic oo ay kasoo qaadatay Hamburger SV isagoo la galay qandaraas taxnaanaya tan iyo Juun 2021.

Laacibkan oo qandaraaskiisa Talaadadii tagtayba laga diiwaan geliyay xafiisyada Lega Serie A ayaa ah 22 jir durba usoo dheeley kooxaha Dinamo Zagreb, Barcelona, Sporting Gijon, Las Palmas iyo Hamburger SV, iyadoo lagu naanayso Messi-ga Croatia waloow uusan weli si wacan u muujinin. ”Halkan waan ku faraxsan ahay” ayuu yiri.

Waa bidix, dhererkiisu waa 169cm cufkiisuna waa 69 kiilos, waa laacib farsamo iyo hal abuur leh oo ku wacan kubad samaynta awoodna u leh inuu ka dheelo meelaha cariiriga ah, wuxuu u dheeli karaa garab ahaan, 10 ahaan iyo khadka dhexe, waana nin fursad dhinacyo badan ah siin kara Rino Gattuso.

Dhanka kale, laacibiinta Milan qaarkood ayaa iyaguna maanta bilaabay tijaabada jireed si ay diyaar ugu noqdaan fasalka cusub, waxayna inta badan laacibiinta oo aysan ku jirin kuwii ka qayb galay KA2018 tababarka bilaabayaan Isniinta Luulyo 9.

Hadalsame Media