Rikoodhadii ay Ingiriisku dhigeen kulankii Sweden vs England

0

(Samara) 07 Luulyo 2018 – Xulka Ingiriiska ayaa markii ugu horreeysey tan iyo 1990-kii u gudbey nus-dhamaadka Koobka Adduunka kaddib markii ay 2-0 direen dalka Sweden, haddaba waxaannu idiin haynaa rikoodhadii laga diiwaan geliyay kulankan.

80% – 8 ka mid ah 10 gool oo ay Ingiriisku ka dhaliyeen KA2018 waxay ahaayeen kubaddo tuuryo ah oo ka timid laad neg, sida koorno, laad xor ah iwm.

Ingiriisku waxay dhaliyeen goolkoodii 8-aad oo noocaas taasoo ka dhigan inay ugu yaraan laba gool dheer yihiin cid kastoo kale.

Harry Maguire waa laacibkii koowaad ee rubuc dhamaadka gool u dhaliyay Ingiriiska tan iyo 2002-dii.

Harry Maguire waa laacibkii 4-aad ee kulan bug bax ah Ingiriiska gool u dhaliya, kaddib Alan Mullery, David Platt iyo Rio Ferdinand.

Dele Alli waa laacibkii 5-aad ee Ingiriiska gool u dhaliya KA2018, waxaa sidaa oo kale ay dhacday 1954, 1998 iyo 2002.

Dele Ali wuxuu sidoo kale noqday wiilkii ugu yaraa ee Ingiriis ah isagoo jira 22 sano iyo 87 maalmood, Michael Owen uu 18 sano iyo 190 maalmood kulankii Romania 1998.

Hadalsame Media

´