DAAWO: ”Yaan la deg degin waxaad ka badiseen Swedish daallan” – Peter Schmeichel

0

(Samara) 07 Luulyo 2018 – England ayaa meel iska dhigtay Sweden oo ay 2-0 uga badisay ciyaar ka dhacday Samara, balse sida uu qabo qabtihii hore ee qaranka Denmarka ee Peter Schmeichel, weli waa deg deg in lagu heeso ”koobku guriga ayuu imanayaa”.

“Waa jid dheer. Balse bandhiggoodu maanta aad buu wax ku ool u ahaa,” ayuu yiri goolwalihii hore ee Man Utd oo tilmaamay inay guusha u “si buuxda ugu qalmeen.”

Balse Schmeichel ayaa aad ula yaabay iska caabin la’aanta Swedes-ka oo aalaaba aad u dagaallamayay kulamadii hore, isla markaana meel soo saaray dalal waawayn sida France, Netherlands iyo Italy, sidoo kalena KA2018 ka badiyay Mexico iyo Switzerland iskana dhiciyay Jarmanka.

“Sweden waxay u muuqatey inay ka bis ahayd KA2018, waxay u ekaayeen kuwo daallan, sida inay ku faraxsanaayeen rubuc-dhamaadka oo ay xaafaddoodii u xiiseen, halka England ay u ekayd koox doonaysay semi-final-ka,” ayuu u sheegay RT oo uu khabiir kubadeed ka yahay.

Hadalsame Media