Waa sidee Xaalada Caafimaad dadka ku waxyeeloobay weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2018 – Xaalada caafimaad dadkii dhaawacyada ay ka soo gaareen weerarkii shalay ayaa lagu soo waramayaa in xaaladooda ay ksoo wanagsanaaneyso sidii hore.

Cisbitaalada muqdisho ayaa la geeyay dhawacyada oo tira ahaan ka badan laabatan,waxana saraakiisha caafimaadka cisbitaalada la geeyay dhawaacyada ay shegayaan in ay wadan dadaalo ku aadan sidii xaaladooda loola tacaali lahaa.

Goobaha ugu badan ee dadka la geeyey waxaa kamida isbitaalka madiina, kaasoo oo ay hadda yaalaan tirade ugu badan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan dhaawacyada qaar xaalkoodu uu wanagsan yahay.

Dadkan ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday qaari walxaha qarxa lagusoo xiray oo lagu qaaday shalay dhisme ay dagan yihiin wasaaradaha arimaha gudaha iyo tan aminiga dalka.

Hadalsame Media