Qadar oo weli wadda qorshihii ay ku iibsanaysay hannaanka S-400, tiiyoo uu Sucuudigu u hanjabay!

0

(Paris) 07 Luulyo 2018 – Amiirka Qadar, Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa sheegay inuu Ruushanka kala hadlay qorshe ay ku iibsanayaan hannaanka daafaca gantaalaha istaraatijiga ah ee S-400, isagoo si gaar arrintaa ugala hadlay madaxwayne Vladimir Putin.

“Wax heshiis ihi weli ma jiraan, balse waa run inaannu ka wada hadalnay,” ayuu Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani shalay ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Paris oo uu wada xaajood kula lahaa madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron.

“Ma doonayo inaan tafaasiil dheeraad ah bixiyo,” ayuu yeelkeede raaciyay.

Qadar oo bishii Maarso arrintan Moscow kala hadashay, ayaa lagu wadaa inay markale la fariisato qaybaha dambe ee Koobka Adduunka ama marka uu dhamaado, tiiyoo ay jirto inuu Sucuudigu u gooddiyay Qadar.

Bishii hore warsidaha maalinlaha ah ee Le Monde oo xiganayay Boqor Salmaan ayaa qoray in “ay walaac wayn qabaan” mar uu la hadlayay Macron oo uu soo hadal qaaday qorshahay ay Qadar ku iibsanayso hannaanka S-400, isagoo xitaa digniin raaciyay.

“Diyaar baannu u nahay inaan qaadno tillaabooyinka loo baahan yahay – oo ay kuwo millateri ku jiraan” haddii ay Qadar hubkaa iibsato. ayuu qoray Le Monde.

Hadalsame Media