Maraykanka oo BAROOSINKA sii dhiganaya Ciraaq & dalalka gobolka oo ka walaacsan (Muxuu sameeyay?)

0

(Erbil) 07 Luulyo 2018 – Danjiraha Maraykanka u fadhiya Ciraaq ee Douglas Silliman iyo dowlad-goboleedka Kurdistan oo uu ka socdey RW Nechirvan Barzani ayaa dhagax dhugay qunsuliyaddii ugu waynayd oo uu Maraykanku ka dhisanayo magaalada Erbil.

Barzani ayaa yiri “America waxay doonaysaa inay sii joogto Ciraaq, America waxay doonaysaa inay sii joogto Kurdistan, oo ay xiriir wanaagsan la yeelanayso,” sida ay kasoo koobiysey Kurdish Rudaw Media Network.

Maraykanka ayaa bilowgii xafiis diblomaasiyadeed ka furtay magaalada Erbil bishii Febraayo 2007, balse afar sano kaddib wuxuu u dallacsiiyay qunsuliyad guud, iyadoo qunsuliyadda cusub oo ku fadhida 200,000 oo dhinac kasta ah, waxaana ku baxaya $600 milyan oo doollar, wuxuuna qaadan karaa 4 sano.

Sanaddii 2009, waxay Maraykanku safaaradda ugu qaalisan uguna ballaaran ka hirgeliyeen magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq, iyadoo ku fadhisa 104-acre, kana wayn xarunta Vatican-ka iyo 80 garoon oo kubadda cagta ag, isla markaana ay ku baxday $750 milyan oo doollar, taasoo muujinaysa inay Washington doonayso inay muddo dheer baaqi ku ahaato dalkan Carbeed.

Haddaba, waxaa arrintan ka walaacsan dowladaha Iiraan, Turkey, Suuriya iyo xitaa Ciraaq, oo marar badan Maraykanka isku qabteen qaabka uu u maareeynayo arrinta ku xeeran dagaalka sokeeye ee Suuriya isagoo marar badan u janjeera dhanka gooni u goosad doonka Kurdiga ah ee deggan qaybo ka tirsan Ciraaq, Suuriya, Turkey iyo Iiraan.

Hadalsame Media