Milan oo ”MADAX FURASHO” loo haysto!! (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Milano) 07 Luulyo 2018 – Xaalka kooxda faca wayn ee AC Milan ayaa meel xasaasi ah maraya iyadoo sanad uun kaddib markii laga iibiyay Yonghong Li iminka mashaqo kale muquuranaysa.

Kooxda Milan oo dhinac rafcaan suge ka ah maxkamadda TAS si loo cayn wareejiyo xukunkii looga cayriyay koobabka Yurub muddo sanad ah, ayaa haatan u muuqata mid maxkamad kale u socota, waxaana markan la isku haystaa milkiyaddeeda.!

Sida uu saaka qorayo warsidaha Corriere della Sera, hay’adda qaanta badan ku leh Mr Li ee Elliott management ayay dhici kartaa inay la wareegto mas’uuliyadda Rossoneri kaddib markii uu Mister Li bixin waayay 32 milyan oo ah biilka kooxda oo uu beri dhowayd ka amaahday, isagoo soo diray FAX qallalan, taasoo ay kasii horreeysay 380 milyan, tirada guud ee qaanta lagu leeyahayna ka dhigaysa 412 milyan oo euro, waxaana dhici karta in maxkamad la isla aado, waloow la leeyahay in Mr Li haysto tan iyo Isniinta waloow uu waqtigiisu ku ekaa xalay saqdii dhexe.

Si kastaba, Milan oo haatan ku jirta xaalad cakiran, oo dhinac maxkamadi kaga furan tahay, dhinacna ay mid kale uga furmi karto Elliot iyo Mr Li, ayna u dheer tahay suuq-xagaaga oo ay ka sooman tahay ilaa haatan, wuxuu xaalkeeda ku sifaynayaa warsidaha CorSera – mid kusii jiri doonta ”MADAX FURASHADA.”

Sababta uu eray bixintaa u adeegsanayo warsiduhu waa sahlan tahay, waayo dhinac waxaa kooxda uga dheggan milkiilaha Mr Li oo diidey inuu kooxda iibiyo iyo inuu bixiyo lacagaha lagu leeyahay, dhanka kale waxaa uga dheggan UEFA oo ku riddey xukun ka badbadis ah, halka dhanka 3-aad ay taagan tahay Elliott oo ku leh 412 milyan oo euro.

Hadalsame Media