KA2018: Maxay Ingiriisku ka baran karaan 6 xul oo aan iyaga ka xoog badnayn oo nus-dhamaadka gaarey?! + Sawirro

0

(Samara) 07 Luulyo 2018 – Xulka Ingiriisku marna ma gaarin nus-dhamaadka Koobka Adduunka 28-kii sano ee ugu dambeeyay, waxaana ugu dambaysay Italia 90, waxayna xulka Three Lions markaa kaddib kaliya badiyeen laba kulan oo wareegga labaad ama 16-ka ah – Denmark 2002, iyo Ecuador 2006.

Labadii dufcadood ee ugu dambeeyay Koobka Adduunka, Ingiriisku mid waxayba ku hareen guruubyada midna dhib ayay ugasoo bexeen oo waxay ku hareen wareegga xiga, taasoo keentay in iminka aan wax badan laga quud darrayn. Taasoo muujinaysa natiijo xumo wayn.

Haddaba, culayskaa laga qaaday sabab ma u noqon kartaa inay ciyaartooyda England ka caawiso inay meelo fog sanadkan ka gaaraan Koobka Adduunka 2018?.

Dabcan Ingiriisku waxay xitaa wax ka baran karaan xulalka aan iyaga ka xoog badnayn ee usoo baxay nus-dhamaadka 28-kii sano ee ay iyagu ku fashilmayeen, ee bal hoos ka eeg 6 waddan oo nus-dhamaadka usoo baxay iyagoon laga filaynin.

6. Uruguay 2010

Xiddigaha la xusi karo: Diego Forlan, Luis Suarez, Diego Lugano, Alvaro Pereira.

5. Bulgaria 1994

Xiddigaha la xusi karo: Hristo Stoichkov, Yordan Letchkov, Trifon Ivanov, Nasko Sirakov.

4. Sweden 1994

Xiddigaha la xusi karo: Tomas Brolin, Martin Dahlin, Stefan Schwarz, Henrik Larsson.

3. Turkey 2002

Xiddigaha la xusi karo: Hakan Sukur, Hasan Sas, Rustu Recber, Tugay Kerimoglu.

2. South Korea 2002

Xiddigaha la xusi karo: Park Ji-sung, Ahn Jung-hwan, Yoo Sang-chul, Lee Young-pyo.

1. Croatia 1998

Xiddigaha la xusi karo: Davor Suker, Zvonimir Boban, Robert Prosinecki, Robert Jarni.

Hadalsame Media

Facebook Comments