Real Madrid oo bedeshey sicirkii Ronaldo! (Iminka waa imisa?)

0

(Madrid) 06 Luulyo 2018 – Real Madrid ayaa la sheegayaa inay ku doodayso in is afgaradkii akhyaareed ee ay la gaartey Cristiano Ronaldo uu iminka dhacay oo uu ku ekaa 15-kii Juun, sidaa darteedna ay haatan Juventus ka doonayso €120-130m, jeer ay Bianconeri filaysay inay jookarkan ku heli karto €100m.

Haatan waxa la sugayo oo dhami waa Juve oo dalab rasmi ah ula geed fariisata maamulka  Los Merengues, balse madaxwayne Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu beeca sara kiciyay.

Sida uu saaka qorayo Gazzetta dello Sport, Madrid ayaa rumaysan in qiime dhimista CR7 ay ku ekeeyd Juun 15, waana arrin uu aad ganafka ugu dhuftay wakiilkiisa Jorge Mendes.

Yeelkeede, beeca ah €120-130m waa uun iska gorgortan, waayo sida uu aaminsan yahay Gazzetta, wax dan ihi Perez uguma jiraan inuu sii haysto Ronaldo aan faraxsanayn.

Hadalsame Media