Hal arrin oo uu sameeyay madaxwaynaha Juventus oo Ronaldo ku dirtay Real Madrid

0

(Torino) 06 Luulyo 2018 – Markii dhan laga eego waxaa mar qura xumaaday xiriirka Florentino Perez iyo CR7, kaasoo aannu maanta hadal hayno inuu ka socdo kooxda Real, yeelkeede, waxaa arrintaa saamayn ku leh madaxwaynaha Juventus ee Andrea Agnelli oo dareensiiyay inuu muhim yahay sida ay qoreeyso saxaafadda Spain iyo midda Portuguese-ka.

“Agnelli wuxuu CR7 wacay 28 jeer” – ayuu qoray warsidaha ‘Record’ wuxuuna laacibku dareemay farqiga dhinaca xushmadda iyo danaynta ah ee u dhexeeya labada kaabbe, taasoo CR7 ka raariddey inuu Juventus ka helo.

”Arrintu ma aha mas’alo dhaqaale” ayuu leeyahay warsidaha ‘Marca’: “Cristiano Ronaldo waa laacibka 3-aad ee ugu mushaharka badan, oo sanadkii wuxuu helaa lacag ka badan 100 milyan oo euro, ka baddanna Juve ka heli maayo, balse inuu laacibku dhankaa ku hamiyo waa habka uu ula dhaqmay madaxwayne Andrea Agnelli.

Juve oo dhowr mar ku hungoowdey Koobka Horyaallada Yurub ayaa aaminsan in haddii ay safkeeda kusoo darto Ronaldo oo koobkan ka dhergey ay ka saacidi karto inay janjaka uugu dambayn qabsadaan Champions League oo ay ugu dambaysay 1996-kii.

 

Hadalsame Media