”Ronaldo-ow Nabad gelyo”, ”Berri ayay Juve soo bandhigaysaa” – Maxay wargaysyadu ka qoreen arrinta Ronaldo

0

(Madrid) 06 Juun 2018 – Waxaa aad isu soo taraya wararka Juventus la xiriirinaya CR7 iyadoo ay iminka u muuqato in uun iminka la is waydiinayo goorma ayuu Juve ku biirayaa ee aan la is waydiinayn inuu joogayo iyo in kale.

Haddaba maxay qoreen wargaysyada Spanish-ku?

“CR7 horraanba wuxuu la hadlay madaxwayne Agnelli” ayuu u dhignaa ciwaan uu qoray Marca; “Maca Salaama CR7” waxaa qoray El Mundo Deportivo; “Cristiano Ronaldo iyo Juventus heshiis bay u dhow yihiin” waxaa qoray Sport iyo ugu dambayn “Cristiano mar dhow ayuu baxayaa, Juventus waxay doonaysaa inay berriba soo bandhigto”. Waxaa qoray (Italpress)

Hadalsame Media