JILAA NEYMAR JR: Imisa daqiiqo ayuu dhulka jiifey Neymar Jr kulamada KA2018? (Daawo)

0

(Kazan) 06 Luulyo 2018 – Jookarka Brazilian-ka ah ee Neymar Jr ayaa wacdaro ka dhigaya Ruushka iyo KA2018, balse sidoo kale wuxuu la kulamayaa dhaliilo ku aaddan wax lagu sheegay jilliin iyo ka badbadis uu ku sameeyo khaladaadka laga galo, taasoo ay khubarada qaar ku tilaameen wax laga ceeb ah oo ”yaqyaqsoodo”.

Waxaa gaar ahaan si wayn loogu beegsaday baraha bulshada oo ay qaarkood bisad ku misaaleen barbaarka reer Brazil kaddib falkii uu ka sameeyay kulankii ay 2-0 direen Mexico ee 16-ka.

Neymar ayaa sidii wax ay maanso ku dhegtey dhulka isku galgaliyay markii uu si yar u taabtay Miguel Layun oo doonayay inuu kubadda ka qaato.

Haatan, tirakoob ay samaysay hay’ad warbaahineed oo Swiss ah oo RTS la yiraahdo waxaa ku cad in Neymar uu dhulka jiifey 14 daqiiqo oo ka mid ah 360 uu guud ahaanba dheeley KA2018, isagoo dhaawac jilaya.

Hadalsame Media