DAGAALKII UGU WAYNAA! Shiinaha oo siyaasad ”facaa iska celi” ah la ciyaaray Maraykanka!

0

(Beijing) 06 Luulyo 2018 – Saacado yar uun kaddib markii uu Maraykanku tariifo 25% ah saaray badeecooyinka Shiinaha oo ku fadhiya $34 bilyan oo doollar, waxay Beijing uga jawaabtey isla tillaabo taa u dhiganta oo ay ka qaadatay badeecooyinka Maraykanka ee ka dega Shiinaha.

“Markii uu Maraykanku dhaqan geliyay tariifo cusub, Shiinuhu waxay qaadeen tillaabo rogaalkeeda ah oo durba hirgashay,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ee Lu Kang. Balse ma aanu carrabaabin nooca ay yihiin badeecooyinka ay ku bartilmaameedsan doonaan canshuurta cusub.

Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa iyaduna mar sii horreeysey sheegtay in aanu u furnayn dookh aan ahayn inay u jawaabaan Maraykanka oo sida ay tiri “bilaabay dagaalkii dhaqaale ee ugu ballaarnaa taariikhda.” Beijing ayaa sidoo kale Washington ku eedeysay inay jebisey xeerarka u degsan Ururka Ganacsiga Adduunka ee World Trade Organisation (WTO).

Dalal badan oo ay xitaa ku jirto Midowga Yurub oo ah baloog olog taqliidi ah la ah Maraykanka ayaa rumaysan in siyaasadda qar iska xoornimada ah ee Donald Trump, oo weliba Shiinaha ugu hanjabey inuu tariifo saari doono badeeco ku kacaysa  $500 bilyan oo doollar, aanay cidna u danaynin.


Hadalsame Media