RASMI: Baarlamanka Itoobiya oo liiska argagixisada ka saaray ONLF iyo ururro kale!

0
PM Netanyahu addressing the Ethiopian parliament

(Adis Ababa) 05 Luulyo 2018 – Baarlamanka Itoobiya ayaa si rasmi ah u meel mariyay in liiska argagixisada laga saaro ilaa 3 jabhadood oo muddo dalkaasi dagaallo hubaysan ka wadey.

Ururradan ayaa kala ah Jabhadaha OLF, ONLF iyo Ginbot 7, iyadoo uu ansixiyay baarlamanka uu aqlabiyadda ku leeyahay isbahaysiga ku midaysan EPRDF oo ka kooban 547.

Fitsum Arega, agaasimaha xafiiska RW Itoobiya, ayaa Sabtigii hore sii sheegay inay baarlamanka u gudbiyeen hindise sharci oo si rasmi ah liiska madoow looga saarayo ururrada OLF, ONLF & Ginbot 7 oo awal Adis Ababa ugu qornaa ”argagixiso”.

EPRDF ayaa xilka haysay tan iyo 1991.

Hadalsame Media