Xabsi caan ah oo Jigjiga ku yaalla oo ay ceebtiisu bannaanka usoo baxday!

0

(Jigjiga) 05 Luulyo 2018 – Warbixin ka kooban 88 bog ayaa heyada Human rights watch maanta ka soo saartay gabood falyo ka dhacay xabsi ku yaala magaalada Jigjiga ee ismaamulka sooomaalida itoobiya.

Xabsigan oo magaciisa lagu sheegay Jail Ogaden ayaa heyadu ugu baaqday ra,isulwasaaraha itoobiya in uu gudi basra arintaan si dhaqsi ah ugu xil saaro.

Danbiyada xabsiga ka dhaca ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka mid yihiin jirdil,kufsi,bahdilid iyo in dadka loo diido in ay arkaan qaraabadooda.

Masuuliyada danbiyadaan waxa ay heyadu saartay madaxweynaha ismaamulka Cabdi maxmuud cumar.

Mohamed Dhoore

Hadalsame Media