DHEGEYSO: Sweden oo faahfaahisay meelaha ay ka kaalmayso Somalia

0

(Stockholm) 05 Luulyo 2018 – Sweden ayaa qorshahan cusub ku taageeraysa nabadda iyo dowlad dhisidda dalkaasi Somalia, wasiiradda Iskaashiga Caalamiga ah ee Sweden ayaa iiga warrantay waxa ay Sweden lacagahaa ugu qabanayso Somalia.

”Sweden waxay muddo taageeraysay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, maamul goboleedyada, abaabulka doorashooyinka oo uu madaxwayne si nabadeed kusoo baxay, haweenka, dhallinyarada, iyo wakiillada bulshada rayidka ah, si loo helo wada hadal furan oo nabad kusoo dabbaalaya dalka, sidoo kale waxaan caawinnaa waxbarashooyinka umulisooyinka, si loo dhimo umul-raacashada, waxaan sidoo kale wadnaa istaraatijiyad cusub oo ku wajahan cimilada, waayo Somalia waxay aad ugu nugushahay abaaraha, waxaan kaloo ka hor tegeynaa xag-jirnimada,” ayay tiri Lövin.

Waxaa jirta Soomaali badan oo Sweden ka laabatay oo si firfircoon uga qayb qaadata howlaha kala geddisan ee dad iyo dal dhisidda ah ee ka soconaya Somalia, haddaba ma jiraan mashaariic uu ururka isbahaygiga Soomaalida Sweden ka wado gudaha Somalia, guddoonka ururkaasi Habbane Xasan ayaa ka jawaabaya.

”Waxaa jira 9 urur oo naga tirsan oo dhowr sano iminka Somalia ka shaqaynaya,” ayuu yiri Habbane.

Somalia ayaa horumar samaynaysa sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Sweden, balse weli waxaa jira turaanturrooyin fara badan, waxayna su’aalo badani ka taagan yihiin heshiisyo badan oo la sheegay in lagu caawinayo Somalia oo waan weli mira dhalin, sida midka New Deal kaasoo ay dowladda dalkaasi sheegaan inaysan weli shilin ka helin, haddaba ma magac u yaal baa mise waa halku dheg uun?

”New Deal waa hab lagu qeexi karo sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqayn karaan deeq bixiyayaasha oo dhinac ah iyo dal khilaafyo la degeen sida Somalia oo dhanka kale ah, waxayse ila tahay inuu fiican yahay, waayo wuxuu ku saabsan yahay in la helo afende wadareed iyo aragti wadareed oo ku aaddan halkii loo dhaqaaqi lahaa, si shaqada ay u qaybsadaan dalalka deeqda bixiya, si loogu wada shaqeeyo sida ugu wax ku oolsan ee suurtagalka ah,” ayay tiri Lövin.

Haddaba Sweden diyaar ma u tahay inay dowladda Somalia toos faraha uga saarto miisaaniyadda ay ugu tala gashay, mise weli waxay marinaysaa gacmo seddexaad?

”Si dhow baannu ula shaqaynaa dowladda Somalia, laakiin sidoo kale waa inaannu hubbinnaa halka ay lacaguhu ku baxayaan, hadda weli ma bixinno taageero miisaaniyadeed oo toos ah, balse waxaannu taageernaa dhinacyada aan is leennahay way u qalmaan,” ayay raacisay Lövin.

Waa kuwee dhinacyada ay Somalia uga qalanto kaalmada, halkeese ayay tahay in iminka mashaariicda laga hirgelinayo Somalia? Habbane Xasan iyo markale.

”Muhiimadda ugu wayni waa in la helo dowlad shaqaynaysa, sidoo kale la helaa hay’adihii adeegga bulshada iyo amniga,” ayuu soo jeediyay Habbane.

Isabella Lövin ayaa sheegtay in Somalia ay haatan u socoto dhanka san, oo ay muhim tahay in lasii amba qaado taageerada caalamiga ah, taasoo aasaasi u ah sii wadista horumarka ilaa haatan la sameeyay iyadoo iftiin uga jeedda dusmada meesha ugu dambeeysa.

”Somalia waa dal ay la degeen dagaallo aad u ba’an, balse iminka waxay u socotaa jihada suubban, waxaa la qabtay doorashooyin si tartiib tartiib ah isugu rogaya qof iyo cod, sidoo kale waxaa dhismaya hay’aadka maamul-goboleedyada, waa geeddi socod tartiib u socda, waayo waa sahlan tahay in dal dhisan la dumiyo lkn waa adag tahay in la dhiso,” ayay tiri Isabella.

Sweden oo ah dalka 3-aad ee kaalmada ugu badan siiya Somalia sida ay wasiiraddu ii sheegtay, waxay bishan Luulyo, wax ka marti gelinaysaa shirka heerka sare ee Somalia Partnership Forum, halkaasoo lagaga hadli doono dadaallo lagu hormarinayo nabadda iyo horumarinta dalka Somalia.

 

 

Hadalsame Media