Faahfaahin khaasarihii ka dhashay dagaalka ka dhacay degaanka Caad

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Sida ay seegayaan wararka aanu ka heleyno deegaanka Caad ee gobolka Mudug waxaa saaka aroortii halkaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo dadka deegaanka,kuwaas oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisa laga maqlay koonfurta gobolka Mudug oo qiyaas ahaan magaalada Camaara dhanka bari Kga beegan 40 km, waxaana dadku ku waabariisteen dhawaqa rasaasta.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Alshabaab waxa uuna dagaalku yimid ka dib markii ay Alshabaab dadka deegaanka waydiisteen in ay bixiyaan caruur ka barbar dagaalanta

Inta laxaqiijiyey 17- qof ayaa ku geeriyootay dagaalka oo u badan dhinacyadii dagaalamayay, inkastoo aysan jirin warar kamadax banana labada dhinac oo muujinaya qasaaraha dhabta ah.

Waxaa Xiisadda dagaalka weli taagan tahat goobta dagaalku uu ka dhacay , waxana jira gurmadyo labada dhinac kala gaaraya‎.

Lasoco wixii soo kordha…