Puntland oo ku eedeysay DFS inay ka been sheegtay

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Madaxda Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ku eedeysay iney ka been sheegtay qodobadii kasoo baxay shirkii Isgaarsiinta ee dhowaan Puntland lagu qabtay.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in shirkan qodobo muhiim ah ay kasoo baxeen shirka, balse wasiirka Isgaarsiinta DFS oo saxaafadda la hadlay uu sheegay wax aan ahayn wixii shirkaasi looga hadlay.

“Shirka isgaarsiinta SOomaaliya muddo ayaa la isku haystay m,arwalbana maamul goboleedyada taladooda muhiimka ah ayeey kasoo jeedinayeen, Puntland ayeey maamul goboleedyada dhan wasaaradahooda isgaarsiinta isugu yimaadeen, markii aan annaga war kasoo saarnay shirkeenna ayuu shir jaraa’id qabtay wasiirka, wuxuuna ku adkeystay qaladkiisii hore ahaa, sharcigaan wuxuu soo jiitamayey 12 sano, falanqeyntii waxaa kaoso baxay maamul goboleedyada in loogu daro min Hal xumin guddiga Sagaallka ah, waxaan kaloo qiimeynay in shirkadaha isgaarsiinta oo cabanayey Hal xubin loogu daray, wasiirka Isgaarsiinta dowladda federaalka waxaa laga la yahay 90% meesha lagu shaqeynayo talada wax halaga weydiiyo, waxaan leeyahay wasiirka waxaan kugu celineynaa waxaad qabaneyso ha noqoto mid doorkoodo aad siiso wasaaradaha dowlad goboleedyada”  ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale, wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya weli kama aanay jawaabin eedeyntan kaga timid dhanka Puntland.

Hadalsame Media