Wasiirro ka tirsan Jubbaland oo xilka laga qaaday + Sababta

0

(Muqdisho) 05 luulyo 2018 Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey habeenkii xalay ahaa isku shaandheyn lama filaan oo uu ku sameeyay madaxweynuhu Golihiisa Wasiirada, waxaana liiskan kasoo muuqday shaqsiyaad cusub oo goliha kujira.

Tiro ahaan Illaa 11 Wasiir ayaa isku shaandheynta ay saameysay, waxaa qaar ka mid ah loo kala qaaday boosaska wasaaradaha, halka kuwo kalena ay shaqada ka tageen.

Wasiir Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhow Axmed Madoobe ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, waxaa uu horay u ahaa Wasiirka Dastuurka.

Siyaasadda jubbaland dadka odorasa ayaa ku micneeyey talaabada Axmad madoobe inay tahay inuu meesha ka saarayo siyaasad furfuran oo maamulku yeesho.

Hoos Ka Aqriso Wareegtada

Hadalsame Media