England & Sweden waa QORRAX-JOOG VS QURBA-JOOG! (Sabab?)

0

(Nairobi) 04 Luulyo 2018 – Waxaa xalay wareegga rubuc dhamaadka usoo wada gudbey xulalka Sweden iyo Ingiriiska oo kasoo kala adkaaday Switzerland iyo Colombia, waxayna labadoodu kulan adag oo go’aamin doona kooxdii nus-dhamaadka aadi lahayd dheeli doonaan Sabtiga.

Haddaba, waxaa jirta arrin ay aad ugu kala duwan yihiin labada xul, tusaale ahaan, England waa xulka kaliya ee koobka adduunka ka qayb galay sanadkaan, oo dhammaan 23-kiisa ciyaartoy laga soo xulay gudaha dalkiisa.

SWEDEN iyo Sengal waa labada xul oo dhammaan ciyaartoydooda guud ahaanba laga soo xulay bannaanka.

Marka ay sidaas tahay, ciyaarta wareegga 8-da koox ee u dhaxeysa England iyo Sweden waxaan ku tilmaami karaa QORRAX-JOOG VS QURBA-JOOG.

Ibraahim Geeddoow Cawaale

Hadalsame Media