Dagaal ka socda degmada Xarardheere ee Mudug

0

(Muqdisho) 04 luulyo 2018 – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug , waxa halkaasi ka socda  uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa bilowday sida la sheegay kadib markii ay halkaa isku qabteen Al-shabaab oo weerar ku qaaday dad amar diiddo sameeyay.

Sida ay sheegeen dadka ku sugan Xarardheere, waxay Al-shabaab dadkaasi ay weydiisteen dhallinyaro ka barbar dagaallanta hase ahaatee markii loo diiday ay dagaalk ku qaadeen.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee rasaas xooggan ayaa la maqlayaa oo gudaha deegaanka Xarardheere.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale….

Hadalsame Media