DHEGEYSO: Magaalada Malmö oo hal arrin uga hooseeysa magaalooyinka waawayn ee Sweden (Warbixin)

0

(Malmö) 04 Luulyo 2018 – Dhowr meelood oo ka mid ah goobaha nugul ee magaalada Malmö ee koonfurta Sweden ayaa la daalaa dhacaya codaynta oo ay aad ugu hooseeyaan.

Hermodsdal ayaan dadku kala bar codaynin doorashadii hore. Degmada Hermodsdal-Gullviksborg ayaa noqotay meesha ugu hooseeysey dhamaanba goobaha doorasho ee dalkan Sweden, iyadoo 48% oo qur ihi ay halkaa ka codeeyeen doorashadii baarlamaaniga ahayd ee hore. Halka Limhann oo dhowr KM uun u jirta ay dadka codaynta u dareeray gaarayeen in ka badan 90%.

Sardasht Mohammad Jasem wuxuu ku dhashay isla magaalada Malmö yeelkeede, abidkii kama codaynin doorashooyinka siyaasadeed ee Sweden, isagoo taa ku micneeyay kalsoonidii oo ka luntay, xisbi kasta oo uu ka socdo siyaasigu.

”Waxaa ugu wacan, dadku maba aaminsana siyaasiyiinta,” ayuu yiri Sardasht.

10-ka goob-codeeyneed ee ugu hooseeya Sweden, 4 ka mid ihi waxay ku yaallaan magaalada Malmö, oo guud ahaan ka hoos martay 80%, taasoo ka dhigan inay tahay magaalada ugu hooseeysa dhanka codaynta marka la eego magaalooyinka waawayn ee Sweden.

Alana Salah Abdallah waxay hor taagan tahay dukaan cunnooyinka laga iibsado, waxayna la shaqaysaa jamciyad la yiraahdo Zigzag iyadoo dadka u qaybinaysa waraaqo ay ku qoran yihiin xogo kooban oo tafaasiil ka bixinaya afkaaraha axsaabta iyo hannaanka doorashada Sweden, si ay dadka ugu dhiirriso inay codeeynta ka qayb qaataan.

”Meelaha nugul, dadku waa inay dadaalaan, laga yaabee inaad dalkaagii ka fikireeyso, balse waxay ila tahay inuu qofku dadaal ka muujiyo dalka uu ku nool yahay, inta iska fadhiisatid ma sugi kartid inay wax kastaahi iska dhacaan,” ayay tiri Alana.

Hermodsdal waa degmo uu booliiska Sweden u yaqaanno meel nugul ama baylah ah marka la eego saamaynta ay ku leeyihiin kooxaha fuliya dembiyada abaabulan, waxaana labadii sanadood ee la soo dhaafay oo qura halkaasi lagu diley 4 qofood oo kale duwan.

 

Hadalsame Media