DHEGEYSO: Soomaalida Sweden oo door ku yeelanaysa deeqda ay Sweden siiso Somalia + Sawirro

0

(Stockholm) 04 Luulyo 2018 – Dowladda Sweden ayaa istaraatijiyad cusub ka qaadatay Somalia, iyadoo laba laabaysa iskaashiga horumarineed ee ay kala shaqeeyso Somalia oo ay u qoondaysay SEK 3 bilyan oo karoon muddada u dhaxaysa 2018-2022, si loo taageero nabadda iyo dowlad dhisidda dalkaasi.

Isabella Lövin oo ah Wasiiradda deeqaha iyo iskaashiga caalamiga ah ugu qaybsan dalka Sweden ayaa kulan la qaadatay guddiga dhexe ee ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee SRFS, haddaba waxaan waydiiyay sababta ay ula kulantay ururkaasi.

‘’Maxaa yeelay waxaan doonayay inaan soo bandhigo istaraatijiyadda cusub ee kaalmada ay Sweden siinayso Somalia, waxaana go’aansannay inaan laba laabno kaalmada aannu siinno Somalia, Sweden waxay leedahay qurba-joog badan oo Soomaaliyeed oo aannu xiriir adag la leennay, waxaana jirta fursad wayn oo aannu farqi uga samayn karno Somalia, sidaa darteed waxaanu ka wada arrinsannay sida ay qurba-joogta Soomaaliyeed ee Sweden u arkaan istaraatijiyaddan’’ ayay tiri Isabella.

Habbane Xasan waa guddoomiyaha Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden, waxaana kaddib kulankaasi uu isna iiga sheekeeyay wixii ay kala hadleen wasiiradda.

‘’Waxaan ka wada hadalnay habkii loo qorshayn lahaa deeqaha ay Sweden u garatay Soomaaliya’’ ayuu yiri Habbane.

Habbane Xasan oo sii hadlayay ayaa ii sheegay in iyagu ka jaalliyad ahaan maaddaama ay metelayaan Soomaalida Sweden ay is tuseen inay qayb ka noqdaan oo goob joog ka noqdaan meelaha lagu qoondeeynayo kaalmada ay Sweden siinayso dalka Somalia, haddaba wasiiraddu arrintaa maka aqbashay?

‘’Maaddaama aannu nahay Soomaalida Sweden waxaan xaq u leennahay inaan ogaanno halka ay marayaan deeqaha Sweden iyo sida ay Soomaalida ula dhaqmayso.’’ Ayuu raaciyay.

Wasiiradda Iskaashiga Caalamiga ah ee Sweden Issabella Lövin oo horay Somalia u booqatay ayaa sheegtay inay Sweden daneeynayso sii kordhinta doorkeeda ku aaddan dalka Somalia ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay arrintaa u leedahay Soomaalida Sweden, waxaana waydiiyay su’aal ku aaddan waxa ay kala dhex baxday kulankii ay la qaadatay ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden.

‘’Wuxuu ahaa kulan ku dhacay jawi furan oo saaxiibtinnimo, aniguna waxaan sharraxay istaraatijiyadda cusub ee deeqaha Sweden ee Somalia, waxaana faallooyin iyo hindisayaal ka dhegaystey guddigii kasoo qayb galay kulanka’’. Ayay tiri wasiirad Isabella.

FG: La soco qayb kale oo ku saabsan waraysi ku saabsan waxa ay Sweden ka qabato Soomaaliya.

Hadalsame Media