Hal abuur Soomaaliyeed oo maanso ku cabiray taageerada xulka Sweden!

0
SAINT PETERSBURG, RUSSIA - JULY 03: Emil Forsberg of Sweden celebrates with teammates after scoring his team's first goal during the 2018 FIFA World Cup Russia Round of 16 match between Sweden and Switzerland at Saint Petersburg Stadium on July 3, 2018 in Saint Petersburg, Russia. (Photo by Francois Nel/Getty Images)

(Hadalsame) 04 Luulyo 2018 – Sweden ayaa sanadkan ka mid ah kooxaha ka yaabiska ah ee wacdaraha ka dhigaya KA2018, waxayna usoo baxday wareegga 8-da, taasoo aan dhicin tan iyo 1994-kii oo ay nus-dhamaadka gaartey.

Haddaba, hal abuur Soomaaliyeed ayaa maanso gabay ah ku taageeray xulka Sweden, isagoo waloow uu saluugey wax uu u arko cadaalad darro ay Afrika tirsanayso, misna Sweden u arka dal Soomaalida abaal gashaday. Hoos ka aqri:

Koobkan loo wada dhagtaagee, Ruushka lagu dheeli.

Ee dunidii dhamaanteed, laga dhaxaysiiyay

Ee Afrikadeenni dhoohanayd, dhibicba loo diidey

Dhankeeda kooxdaan lajiro, aan dhiraandhiriyo

Swedan baan kudhaadanahayaa, inay la dhooftaaye

Dhinacooda waxaan uga xigsaday, wax isma dhaamaane

Dhalinyaradeenii tahriibtay bay, dhalasho siiyeene.

Waxaa tiriyay: Bashiir Banka Qorraxeey.

Hadalsame Media