RASMI: Kooxda Arsenal oo ku dhawaaqday saxiixa Sokratis Papastathopoulos – (Lambarkee u xiran doonaa Gunners?)

0

(London) 02 Luulyo 2018 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqay inay dhammaystiray saxiixa difaaca Sokratis Papastathopoulos, kaasoo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund.

Xiddiga xulka qaranka Greek ayaa heshiis waqti dheer ah oo aan qiimihiisa la shaacin ugu soo biiray kooxda Gunners, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu London ku yimid adduun dhan 17.6 milyan oo gini.

Difaacan qibradda leh ayaana u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Werder Bremen, AC Milan, Genoa iyo AEK Athens.

Sokratis ayaa kooxdiisa cusub ee Gunners u xiran doona maaliyadda lambarka 5-aad, waxaana uu sidoo kale qibrad u leeyahay ciyaaraha caalamiga ah, isagoo xulkiisa qaranka Greece u saftay 79 kulan.

Markii uu si rasmi ah uga mid noqday kooxda Arsenal ayuu website-ka rasmiga ah ee kooxda reer London u sheegay: “Wax waliba waa kuwo gaar ah, waana waqti qurux badan.”

Hadalsame Media