Rikoorradii laga diiwaan geliyey kulankii xulka Brazil uu guusha ka gaaray Mexico

0

(Samara) 02 Luuliyo 2018 – Xulka qaranka Brazil ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka 2018, kaddib markii ay 2-0 ku dardareen Mexico.

Xulka Brazil ayaa labada gool ee ay guusha kaga heleen Mexico waxaa u kala dhaliyey qeybtii labaad ee ciyaarta Neymar iyo Roberto Firmino.

Neymar ayaa kulankan gool hore dhaliyey 51’daqiiqo, waxaana uu kan labaad ee kulankan uu ka caawiyey saaxiibkiis Firmino.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikooraddii laga diiwaan geliyey kulankan:-

>- Xulka qaranka Mexico ayaa lagu reebay wareegga 16-ka Koobka Adduunka mid kasta oo ka mid ah todobadii Koob Adduun ee ugu dambeeyey (1994, 1998, 2002, 2006, 2010, 2014 & 2018).

>- Goolhayaha xulka qaranka Mexico ee Guillermo Ochoa ayaa kulankan uu wajahay Brazil sameeyey 7 badbaadin, halka kulankii Germany ay wajaheen uu goolhaye Ochoa uu sameeyey 9 badbaadin.

>- Neymar ayaa dhaliyey goolkiisii 57-aad 89 kulan oo uu u saftay xulkiisa qaranka Brazil, welina waa 26 sano jir oo waa uu sii dheereysan karaa goolasha qarankiisa.

>- Neymar ayaa hal gool ka dhaliyey heerka bug-baxa (knockout) Koobka Adduunka waana in ka badan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo isku dar aan wax gool ah ka dhalin heerka bug-baxa Koobka Adduunka.

>- Neymar ayaa dhaliyey 6 gool oo ka yimid 38-dii shuut ee ugu dambeeyey oo uu ka sameeyey Koobka Adduunka.

>- Rafael Marquez ayaa 148 kulan u saftay xulka qaranka Mexico shantii Koob Adduun ee ugu dambeysay.

Hadalsame Media