Kooxda AC Milan oo wada hadallo la furtay Leandro Paredes

0

(Milano) 02 Luulyo 2018 – Kooxda AC Milan ayaa laacib cusub oo hor leh lala xiriirinayaa kaasoo ka dheela khadka dhexe oo ay kooxdaasi dayactir uga baahan tahay, sida uu sheegayo khabiirka suuqa kala iibisiga ee Gianluca Di Marzio.

“Marka laga yimaado magacyadii horay kooxda loola xiriirinayay, waxay Milan doonaysaa laacibka khadka dhexe ee Leandro Paredes oo u safta Zenit, waxayna durba kooxda Rossoneri durba bilowday in ay xiriir la sameeyso wakiilkiisa.

Laacibkan reer Argentina ayaa si wanaagsan u yaqaanna horyaalka Serie A oo uu horay ugasoo ciyaari jirey.

 

Hadalsame Media