HUB HALIS AH: Shiinaha oo sameeyay qori laysar ah oo nooc cusub ah! (Sidee u shaqeeyaa?)

0

(Shaanxi) 02 Luulyo 2018 – Ciidamada Booliiska Shiinaha qaybtiisa hubaysan ayaa mar dhow gacanta ku dhigi doona hub nooc cusub ah oo laysar ah, kaasoo bartilmaameedkiisa kaga hortegaya kiilo mitir ka shishe, isla markaana dab qabadsiin kara waxyaabaha gubta.

Waloow lagu sheegay hub “aan halis ahayn,” misna qorigan oo ku shaqeeya barojektar tuuraya laysar, wuxuu ilbiriqsiyo ku gubi karaa dharka uu xiran yahay qofka bartilmaameedka ah. ”Qofka dhan baa dab la qabadsiin karaa” ayuu yiri warsidaha South China Post.


Qorigan oo la yiraahdo ZKZM-500 isla markaana uu hindisey mac-hadka Bikaacyada iyo Makaanikada Bilan ee Xian Institute of Optics and Precision Mechanics oo hoos taga Akamiyaha Sayniska ee Shiinaha ee ku yaalla gobolka Shaanxi ayaa bartilmaameedkiisa baabi’in kara.

Qorigan oo culayskiisu yahay 3 kg ayaa gaari kara 800 mitir, isagoo ku shaqeeynaya beteri, wuxuuna ridi karaa 1,000 xabo oo laysar ah, kahor inta aanu dabeeyn ama tamarayn u baahanin, wuxuuna wax badan ka tari doonaa xaaladaha afduubka, isagoo sidoo kale gubi kara gawaarida shidaalka u sida ‘cadowga’ iyagoon waxba u jeedin, waxaa kale oo loo adeegsan karaa mudaaharaadyada, waloow ay taasi u baahan tahay dib u maduufikayn mar haddii uu dharka ku gubayo qofka.

 

Hadalsame Media