WAR CUSUB: Sweden oo LABA LAABAYSA kaalmada ay siiso Somalia + Sawirro (Berri la soco waraysi aan ka qaaday Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Sweden)

0

(Stockholm) 02 Juun 2018 – Dowladda Sweden ayaa istaraatijiyad cusub ka qaadatay Somalia, iyadoo laba laabaysa iskaashiga horumarineed ee ay kala shaqeeyso, waxayna dalka Somalia u qoondaysay SEK 3 bilyan oo karoon mudda u dhaxaysa 2018-2022, si loo taageero nabadda iyo dowlad dhisidda.

Horumarka Somalia ayaa horumar samaynaya sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Sweden, balse weli waxaa jira turaanturrooyin fara badan, dowlad dhisiddu horay ayay u socotaa, waxaa sidoo kale la sameeyay tillaabooyin isbeddel lagula sameeynayo dhaqaalaha oo hirgalay. Waxaa sidoo kale soconaya dib u habeeyn lagu sameeynayo waaxda amaanka, si ay Somalia awood ugu yeelato inay amaankeeda guud kala wareegto ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

“Somalia haatan waxay mareeysaa marxalad muhim ah, halkaasoo ay muhim tahay in lasii amba qaado taageerada caalamiga ah, taasoo muhim u ah sii wadista horumarka ilaa haatan la sameeyay,” ayay tiri Isabella Lövin, oo ah Wasiiradda Kaalmada iyo Iskaashiga caalamiga ah oo uu Hadalsame la yeeshay waraysi dheer arrimaha Somalia kala yeeshay.

Sweden oo ah dalka 3-aad ee kaalmada ugu badan siiya Somalia sida ay wasiiraddu ii sheegtay ayaa waxay doonaysaa in ay Somalia ka caawiso dhinacyo badan oo dad dhisidda ah, la dagaallanka faqriga, abuurista fursado cusub, xallinta khilaafaadka, awood siinta sidii ay dhallinyarada iyo haweenku uga qayb qaadan lahaayeen hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo doorka qurba joogta reer Sweden ee dalkii ku noqonaysa si ay uga qayb qaataan dhismaha Somalia is wadi karta.

16-17-ka bishan Luulyo, waxay Sweden wax ka marti gelinaysaa shirka heerka sare ee Somalia Partnership Forum, halkaasoo lagaga hadli doono dadaallo lagu hormarinayo nabadda iyo horumarinta dalka Somalia.

Berri Hadalsame kala soco waraysi uu ka qaaday Isabella Lövin, haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media